Aqoontu Waxay Muujisaa Waxa Aad Taqaan, Akhlaaqduna Waxay Muujisaa Qofka Aad Tahay

Thursday October 15, 2026 - 15:34:20
hadhwanaagnews
Macnaha: "Adiguna waxaad ku sugan tahay akhlaaq aad u weyn." (Suuratul-Qalam, aayadda 4aad).....



Waxa jirta oraah aan meel ku arkay oo runtii aad ii cajabisay, taas oo tidhaahda:

 

"Akhlaaqda wanaagsan waxay asturtaa aqoon-yarida qofka, laakiin aqoontu ma asturto akhlaaq-xumada qofka.”

 

Macnaha oraahdani waa in qofka aqoontiisu yar tahay, balse leh edeb, xushmad iyo akhlaaq wanaagsan, ay dadku qadarin karaan oo ay ku ixtiraami karaan hab-dhaqankiisa. Dhanka kale, qofka aqoonta badan leh, haddii uu ka madhan yahay akhlaaq wanaagsan, aqoontiisa keliya kama asturayso akhlaaq-xumadiisa.

 

Alle SWT wuxuu Nebigeenna Muxammad ﷺ ku ammaanay akhlaaqdiisa wanaagsan, isaga oo Qur’aanka Kariimka ah ku yidhi:

 

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٍ

 

Macnaha: "Adiguna waxaad ku sugan tahay akhlaaq aad u weyn.” (Suuratul-Qalam, aayadda 4aad).

 

Sidaas darteed, aqoontu waa qurux, laakiin quruxdeedu waxay sii dhammaystirmaysaa marka uu qofku ku lammaaniyo akhlaaq wanaagsan. Aqoonta iyo akhlaaqdu marka ay qofka ku kulmaan, waxa uu yeeshaa qurux gudaha ah iyo mid ka muuqata hab-dhaqankiisa, hadalkiisa iyo sida uu dadka ula macaamilo.

 

Aqoontaadu ha noqoto mid ku kordhisa is-hoosaysiin, akhlaaqdaaduna ha noqoto mid dadka kugu soo jiidata. Ha u adeegsan aqoontaada inaad dadka ku liidato, balse u adeegso inaad wax ku barato, wax ku tusto, waxna ku tarto.

 

Ugu dambayn, waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu nagu arsaaqo akhlaaq wanaagsan, qalbiyadeenna nadiifiyo, carrabkeenna wanaajiyo, isla markaana nagu galladeysto inaan dadka ula dhaqanno si wanaagsan oo naxariis iyo xushmad ku dheehan tahay.

 

Aamiin, yaa Rabbal-caalamiin. ????

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...