hadhwanaagnews
Labaatan sannadood ka hor, markii aanu dhallinyarada deegaanka ahayn, waxa aanu ka mid ahayn barbaarta loo arkayay gaashaanka deegaanka, kuwaas oo dadka miyiga iyo baadiyuhu ku yaqaaneen geesinnimada, sharafta, ilaalinta nabadda iyo dhowrista hantida dadka.
Xilligaas waxa si weyn naloogu barbaariyey in jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa uu yahay halbawle dhaqaale oo muhiim u ah Somaliland. Jidkaas waxa habeen iyo maalin mara xoolo iyo hanti malaayiin doollar lagu qiyaaso oo ay leeyihiin ganacsatada Somaliland. Sidaas darteed, waxa aanu aaminsanayn in ilaalinta jidka, badbaadada dadka isticmaala iyo dhowrista hantidoodu ay tahay masuuliyad naga saaran bulsho ahaan, gaar ahaan dadka deegaanka.
Waxa aanu ceeb iyo foolxumo u arki jirnay in gaadhi jidkaas maraya laga dejiyo xataa kartoon nacnac ah, ama si xaq-darro ah looga qaato wax kasta oo uu sido. Waxaanu taas u arkaynay dhaqan ka hor imanaya sharafta deegaanka, sumcadda dadkiisa iyo masuuliyadda naga saaran ilaalinta amniga jidka.
Hase yeeshee, maanta, labaatan sannadood ka dib, waxa aan maqlayaa warar sheegaya in dad deegaanka Dacarbudhuq ka soo jeedaa ay jidkaas galeen, dadna ku dileen. Wararkaasi si fudud igama degayaan, waayo waxay si weyn uga duwan yihiin qiyamkii, dhaqankii iyo masuuliyaddii aanu ku soo barbaarnay.
Waxa aan is weydiinayaa: Maxaa is beddelay? Xaggee bay ku dambeeyeen dhaqankii, sharaftii iyo damiirkii aanu u arkaynay astaamaha wanaagsan ee dadka deegaanka?
Mararka qaarkood, waxa aan is idhaahdaa: dadka falalkaas lagu eedaynayo ma yihiin dad ka leexday qiyamkii wanaagsanaa ee deegaanka, mise waxa jira duruufo kale oo u baahan in si dhab ah loo fahmo?
Ujeeddadaydu ma aha in aan cid xukumo ama aan deegaan dhan ku wada eedeeyo fal ay dad gaar ahi ku kaceen. Qofna laguma eedayn karo fal aanu isagu gelin, deegaan dhanina masuul kama noqon karo falalka shakhsiyaad gaar ah. Waxa aan ka hadlayaa xanuunka uu qofku dareemayo marka uu maqlo dhacdooyin si weyn uga duwan qiyamkii iyo dhaqankii uu ku soo koray.
Deegaan laguma maamuuso magaca uu leeyahay oo keliya, balse waxa lagu maamuusaa hab-dhaqanka dadka deggan, nabadda ay ilaaliyaan, hantida ay dhowraan iyo sida ay u karaameeyaan dadka martida u ah ama dhex maraya.
Jidka Berbera iyo Hargeysa isku xidha ma aha oo keliya waddo la maro; waa halbawle dhaqaale oo ay ku xidhan yihiin nolosha ganacsatada, gaadiidleyda, xoolo-dhaqatada iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ahi. Ilaalinta jidkaasi waa masuuliyad bulsho oo u baahan wadajir, iskaashi iyo in laga hortago fal kasta oo khatar gelin kara dadka isticmaala.
Waxa aan jeclaan lahaa in jiilka maanta jooga uu dib u milicsado qiyamkii wanaagsanaa ee lagu soo barbaari jiray, isla markaana ay bulshada iyo waxgaradka deegaanku ka wada shaqeeyaan ilaalinta nabadda, amniga iyo sumcadda deegaanka. Dhacdo kasta oo amni-darro ah waa in si sharci ah loo baadhaa, cidda falka ku lug lahaydna lagula xisaabtamaa si waafaqsan sharciga.
Taariikhda wanaagsan waxa lagu ilaaliyaa ficil wanaagsan; sharaftana laguma dhaxlo magac ee waxa lagu kasbadaa hab-dhaqan.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!