hadhwanaagnews
Hargeysa (Hadhwanaagnews.com): Khabiir falanqeeya siyaasadda iyo arrimaha Afrika, Jaco Kleynhans, ayaa ku baaqay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan, isaga oo dooddiisa ku saleeyey taariikhda Somaliland, xaaladda sharci ee midowgii 1960-kii iyo shuruudaha dawladnimo ee sharciga caalamiga ah.
Kleynhans oo qoraal ku baahiyey bartiisa X, kaas oo ay soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa Somaliland barbar dhigay dalalka Kosovo iyo Koonfurta Suudaan, oo labaduba helay aqoonsi caalami ah.
Waxa uu sheegay in Somaliland ay xornimadeeda ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26-kii Juun 1960-kii, xilligaas oo ay noqotay Dawladdii Somaliland, isla markaana uu sheegay in ay aqoonsadeen ku dhawaad 35 dal, oo ay ku jireen shanta waddan ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.
Khabiirku waxa uu sheegay in shan maalmood kaddib xornimadeeda, Somaliland ay si ikhtiyaari ah ula midoowday dhulkii Soomaaliya ee Talyaanigu maamulayay, taas oo dhalisay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee la aasaasay 1-dii July 1960.
Si kastaba ha ahaatee, Kleynhans ayaa ku dooday in midowgii labada dhinac ay ka dhasheen su’aalo iyo caqabado dhinaca sharciga ah, isaga oo sidoo kale tixraacay qiimayn uu sheegay in Midowga Afrika sameeyey sannadkii 2005-kii, kaddib markii Somaliland loo diray hawlgal xaqiiqo-raadis ah.
Waxa uu sheegay in hawlgalkaasi uu soo bandhigay aragti ah in midowgii Somaliland iyo Soomaaliya aanu helin ansixin buuxda, isla markaana ay jireen arrimo sharci oo la xidhiidhay midowga muddadii u dhexaysay 1960 iyo 1990.
Kleynhans ayaa sidoo kale tusaale u soo qaatay midowyo siyaasadeed oo hore u burburay, sida Midowgii Jamhuuriyadda Carabta ee Masar iyo Suuriya, Midowgii Mali Federation iyo Midowgii Senegambia ee Senegal iyo Gambia, isaga oo arrimahaas u adeegsaday taageeridda dooddiisa ku saabsan suurtagalnimada kala noqoshada midow siyaasadeed.
Shuruudaha Dawladnimo
Dhanka sharciga caalamiga ah, Kleynhans waxa uu tixraacay Heshiiskii Montevideo ee 1933, kaas oo qeexaya astaamaha aasaasiga ah ee dawladnimo.
Shuruudaha lagu xuso heshiiska waxaa ka mid ah in dawladdu yeelato dad joogto ah, dhul si cad loo qeexay, xukuumad si wax-ku-ool ah u maamusha dhulka iyo awood ay xidhiidh ula samayn karto dawladaha kale.
Kleynhans ayaa ku dooday in Somaliland, tan iyo 1991-kii, ay si dhab ah u buuxisay shuruudahaas, isaga oo sheegay in ay leedahay hay’ado maamul, dhul ay maamusho, dad joogto ah iyo awood ay kula macaamisho dhinacyada caalamiga ah.
Ugu dambayn, khabiirku waxa uu ku dooday in Somaliland ay gaadhay marxalad ay mudan tahay in loo aqoonsado dal madax-bannaan, isaga oo dooddiisa ku salaynaya taariikhda Somaliland, xaaladda sharci ee midowgii 1960-kii, xuduudihii hore ee Maxmiyadda British Somaliland iyo shuruudaha guud ee dawladnimada.