hadhwanaagnews
Berbera (Hadhwanaagnews.com): Agaasimaha Waaxda Gaadiidka iyo Farsamada ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland, Muuse Yuusuf Ibraahim, ayaa sheegay in Wasaaraddu waddo qorshayaal lagu horumarinayo gaadiidka isticmaala Dekedda Berbera iyo guud ahaan isku-socodka gaadiidka dalka.
Agaasimaha ayaa sheegay in qorshayaasha Wasaaraddu si gaar ah diiradda u saarayaan horumarinta gaadiidka xamuulka qaada, maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin isku-socodka badeecadaha iyo ganacsiga dalka.
Waxa uu yidhi:
"Wasaaradda Gaadiidku waxa ay ku hawlan tahay qorsheyaasha lagu horumarinayo gaadiidka xamuulka qaada.”
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in la soo gabagabeeyey hawlgal muddo socday oo lagu hubinayey dukumentiyada iyo shuruudaha gaadiidka ka soo gudba xuduudaha, gaar ahaan kuwa ku wajahan Gobolka Saaxil.
Intii uu hawlgalku socday, waxaa la hubiyey 347 gaadhi, waxaana la qabtay 9 gaadhi oo aan cashuurtoodu dhammaystirnayn ama dukumentiyadoodu is-waafaqsanayn. Sagaalka gaadhi ee la qabtay waxaa ku jiray 3 gaadhi oo xamuul ah.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sheegtay in hawlgalkani qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka gaadiidka, hubinta u hoggaansanaanta shuruucda iyo xaqiijinta saxnaanta dukumentiyada gaadiidka.