Kalfadhiga 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo Sabtida furmaya

Wednesday August 12, 2026 - 17:28:30
hadhwanaagnews
Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, Garyaqaan Cabdinaasir



Hargeysa – Kalfadhiga 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa si rasmi ah u furmaya Sabtida, 15-ka Agoosto 2026, saacadda 9:30-ka subaxnimo.

 

Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, Garyaqaan Cabdinaasir Aadan Beegsi, ayaa xildhibaanada Golaha iyo warbaahinta ku wargeliyey furitaanka kalfadhiga, isaga oo ku adkeeyey in la ilaaliyo waqtiga loo asteeyey.

 

Xoghayaha Guud ayaa yidhi:

 

"Kalfadhiga 91-aad ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa si rasmi ah u furmaya Sabtida 15-ka Agoosto 2026, saacadda 9:30-ka subaxnimo.”

     
Loading...