hadhwanaagnews
Balli-mataan – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay kordhisay kabkii ay siin jirtay Dugsiga Boodhinka ee degmada Balli-mataan, gobolka Maroodi-jeex, kaas oo ku jira miisaaniyadda qaranka.
Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, ayaa sheegay in kabka dugsiga laga kordhiyey 400 milyan oo Somaliland Shilling ah ilaa 700 milyan oo Somaliland Shilling ah, isla markaana lacagtaasi ay diyaar ugu jirto miisaaniyadda qaranka.
Wasiirku waxa uu sidoo kale xusay in xukuumaddu sii xoojinayso wada-shaqaynta ay la leedahay maamulka degmada Balli-mataan, isaga oo ku tilmaamay degmada mid ka mid ah deegaannada ugu nabadda badan uguna khilaafaadka yar Somaliland.
"Xukuumad ahaan waxaannu la shaqaynaynaa maamulka degmada Balli-mataan oo ka mid ah degmooyinka ugu nabadda wanaagsan Somaliland. Waxaan idinku bushaaraynayaa in 700 milyan oo Somaliland Shilling ah oo kab ah ay diyaar idiinku yihiin Dugsiga Boodhinka ee Balli-mataan. Hore miisaaniyadda waxa ugu jiray 400 milyan oo Somaliland Shilling ah,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur.