hadhwanaagnews
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada deegaanka Qoolcaday ayaa kala saxeexday heshiis is-afgarad oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta dhul-daaqsimeedka, iyadoo ujeeddadu tahay kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha iyo ilaalinta khayraadka dabiiciga ah.
Heshiiska ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa wada-shaqaynta u dhexaysa hay’adaha dowladda iyo bulshada deegaanka, si loo horumariyo daaqa iyo tayada seeraha, kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha reer miyiga iyo dhaqaalaha ku tiirsan xoolaha.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in ka qaybgelinta bulshada deegaanka ay muhiim u tahay guusha mashaariicda horumarineed, maadaama ay yihiin dadka sida ugu dhow u fahamsan xaaladaha deegaanka, baahiyaha jira iyo hababka ugu habboon ee loo ilaalin karo khayraadka dabiiciga ah.
Waxa kale oo la xusay in iskaashigan uu abuuri doono jawi kalsooni iyo wada-shaqayn ku dhisan, kaas oo fududaynaya hirgelinta mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada iyo deegaanka.
Heshiiska ayaa sidoo kale xoogga saaraya muhiimadda ay leedahay maamulka wanaagsan ee seeraha iyo dhulka daaqsinka ah, si loo helo xoolo caafimaad qaba, loo kordhiyo wax-soo-saarka calafka xoolaha, loona taageero horumar waara oo dhinaca dhaqaalaha reer miyiga ah.
Masuuliyiintu waxay carrabka ku adkeeyeen in guusha mashruucu ku xidhnaan doonto hirgelinta heshiiska, la socodka joogtada ah ee qorshayaasha la isla qaatay, iyo wacyigelinta bulshada ee ku saabsan ilaalinta deegaanka iyo maamulka waara ee dhulka daaqsinka.
Mashruuca Banka Qoolcaday ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato horumarinta deegaanka, kor u qaadista wax-soo-saarka xoolaha iyo beeraha, iyo sidii bulshada deegaanka uga faa'iidaysan lahayd khayraadka dabiiciga ah si waara.