Wasiir Barkhad Batuun: "Wax Walba Oo Aad Xukuumadda Uga Baahataan Waa Diyaar"

Thursday July 16, 2026 - 13:51:52
hadhwanaagnews
Wasiirka ayaa xusay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka...



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun), ayaa ugu baaqay dhallinyarada Somaliland inay horumariyaan hal-abuurkooda, isagoo sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay dadaallada ay ku horumarinayaan kartidooda iyo fikradahooda cusub.


 

Wasiirka ayaa xusay in dhallinyaradu yihiin laf-dhabarta horumarka dalka, isla markaana loo baahan yahay inay ka faa’iidaystaan hibadooda iyo hal-abuurkooda si ay uga qayb qaataan horumarka qaranka.


 

Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in xukuumaddu diyaar u tahay inay taageerto dhallinyarada, isla markaana ay ka jawaabi doonto baahiyaha ay qabaan si ay u hirgeliyaan himilooyinkooda.


 

"Dhallinyaradu waa inay hirgeliso hal-abuurkeeda. Wax kasta oo aad xukuumadda uga baahataan, diyaar ayaan u nahay, dhallinyaroy,” ayuu yidhi Wasiir Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun).

     
Loading...