hadhwanaagnews
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Cismaan Jaamac (Talosame), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday Hay'adda Pharo Foundation, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga u dhexeeya labada dhinac.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta wax-soo-saarka calafka xoolaha iyo dejinta qorshayaal lagu kobcinayo tayada, wax-soo-saarka iyo helitaanka calafka, si loo taageero xoolo-dhaqatada iyo bulshada reer miyiga ee ku tiirsan dhaqashada xoolaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo ballaadhin lahaa mashaariicda wadajirka ah ee lagu horumarinayo calafka xoolaha, loona xoojin lahaa adkaysiga bulshada reer miyiga, gaar ahaan xilliyada ay jiraan abaaraha iyo isbeddelka cimiladu.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Hay'adda Pharo Foundation wada-shaqaynta joogtada ah ee ay la leedahay wasaaradda, isaga oo sheegay in horumarinta calafka xooluhu ay ka mid tahay mudnaanta koowaad ee qorshayaasha wasaaradda.
Waxa uu ugu dambayn caddeeyey in Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ay ka go'an tahay hirgelinta barnaamijyo lagu kordhinayo wax-soo-saarka calafka xoolaha, si loo xoojiyo wax-soo-saarka xoolaha, loona taageero koboca dhaqaalaha iyo horumarka bulshada reer miyiga ee Somaliland.