Wasaaradda Qorshaynta iyo OCHA oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Horumarinta iyo Arrimaha Bani'aadannimada

Monday June 08, 2026 - 12:22:46
hadhwanaagnews
Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda...
May be an image of one or more people and text



Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Hay’adda U Diyaargarowga Masiibooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka (NADFOR) iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isku-dubaridka Arrimaha Bani’aadannimada (OCHA), Mr. Alex Kamanzi.


 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Hay’adda OCHA, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay horumarinta iskaashiga dhinacyada qorshaynta, isku-dubaridka mashaariicda horumarinta iyo taageerada arrimaha bani’aadannimada.

 

Xoojinta Wada-shaqaynta

 

Masuuliyiinta Wasaaradda Qorshaynta iyo NADFOR ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn dhow oo dhex marta hay’adaha qaranka iyo kuwa Qaramada Midoobay, si loo xaqiijiyo in taageerada caalamiga ahi si wax ku ool ah uga qayb qaadato horumarka dalka iyo dhismaha awoodaha hay’adaha dowladda.

 

Waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada horumarineed iyo kuwa bani’aadannimo si loo gaadho natiijooyin waara oo bulshada anfaca.

 

OCHA oo Ballanqaadday Taageero Dheeraad ah

 

Dhankiisa, Mr. Alex Kamanzi ayaa uga mahadceliyey Wasiirka iyo masuuliyiinta kale soo dhaweynta diirran ee loo sameeyey, isaga oo muujiyey sida ay OCHA uga go’an tahay sii wadidda iyo xoojinta wada-shaqaynta ay la leedahay Somaliland.

 

Waxa uu sheegay in OCHA ay danaynayso inay sii ballaadhiso taageerada iyo joogitaankeeda dalka, si ay uga qayb qaadato dadaallada horumarineed iyo hawlaha bani’aadannimo ee socda.

 

Is-afgarad ku Saabsan Iskaashi Joogto ah

 

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad lagu xoojinayo xidhiidhka wada-shaqayneed ee ka dhexeeya Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, OCHA iyo hay’adaha kale ee bahwadaagta la ah Somaliland.

 

Dhinacyadu waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay joogtaynta wada-hadallada, iskaashiga iyo isku-duwidda qorshayaasha lagu horumarinayo danaha guud ee dalka iyo bulshada Somaliland.

     
Loading...