Ma Laga Yaabaa Xisbiga Waddani Inuu Mustaqbalka Ku Dhaco Habqanka Kulmiye Ku Dhacay ?

Monday June 01, 2026 - 14:18:34
hadhwanaagnews
Sidii si la mid ah ayaa ka soo muuqata xisbigii ku guuleystay

 

" Marka aad eegto sida xisbigii kulmiye, madaxdiisii iyo taageyaashiisii habqanka u noqdeen , waa calaamad tusaale u ah in dalku halis weyn ku jirey "

 

Xisbigii kulmiye ee ahaa xisbiga axsaabta siyaasada maanta ugu da'da weyn waxaa ku dhacay taageerayaashiisii iyo madaxdiisiiba hab-qan iyo inay ka lunto jihada siyaasadooda mustaqbalku afka saareyso iyo kaalintoodii mucaaradadeed sidey u muujin lahaayeen.

 

Tusaalaha sida xisbiga kulmiye iyo deeganadii iyo dadkii taagerayaasha u ahaa iyo madaxdiisii midiba meel uga dhacay waxay inoo sheegaysaa in dalku halis ku jirey intii ay talada dalka gacanta ku hayeen.

 

Sidii si la mid ah ayaa ka soo muuqata xisbigii ku guuleystay talada dalka oo isaga iyo dadkii soo saarey ilaa maanta is-layihiin , intani waxa aan uga jeedaa dadka axsaabta siyaasada ku jira iyo kuwa taageeraabaa waxay ku kala duwan yihiin wax badan , xiliga ololaha iyo halgankana dhibta iyo culeysku wuu ku kala badan yahay tusaale ;

 

1- koox ka mid ah qorshahoogu waa in hogaan ay isku qabiil yihiin talada geeyaan ama dheef ha ku soo celiyo ama dhib ha u horseedo e .

 

2- koox kale waxay ka dhex raadinayaan danahooga siyaasadeed,  ganacsiyeed I'm

 

3- Kooxda sadexaad waa dad aaminsanaa in isbadel dhaco oo dalka iyo dadkaba dhinaca horumarka iyo barwaaqada afka la saaro , xisbigan ay taagerayaana waxay u door bidayeen inuu noqon karo kii hawlahaa qabanayey.

 

Haddaba tan iyo markii xukuumada wadajir iyo wax qabad ee xisbiga waddani talada la wareegtay waxaa soo bax-baxaya dhaqano cusub iyo filashadii la qabey in wax badani aanay rumoobayn .

 

Hogaanka xisbiga waddani hadda joogaa waxaa loo sibir saarayaa inuu yahay mid xukuumada dhismaheega talo weyn ku leh oo in badan oo deegaanada dalka ah iyo bulshadii xisbiga ahiba waxay wax ka saarayaan iyaga.

 

Waa marka labaad e waxa aad moodaa inay kaadir cusub raadsanayaan oo dadkii hore dad aan aheyn urursanayaan , waa talaabo la odhan karo mustaqbalka ama wakhti aan fogeyn sidaa kulmiye ku dhacday ayaa ku soo socota. " Taa macnaheegu maaha yaan xisbiga dad cusub la keenin ".

 

Haddaba hadii qaybsanaan soo baxdo oo maantaba wax muuq-muuqdaan waxaa halis gali doona dalka , waxaana waliba halis badan xisbiga talada haya hadii taladiisu murugto .

 

Aynu soo ururino axsaabta siyaasada dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa leh qofwaliba ka uu doono ayuu gali karaa , laakiin aynu isweydiino waxan axsaabta siyaasada ugu wacan hab dhaqanka noocan ah iyi meel qof horjooge ka yahay oo ku shaqeysa doonistiisa shaqsiga ah.

 

Mohamed Abdi Jama

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...