hadhwanaagnews
Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Xuseen Dayr, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) kaga hadlay xaqa Somaliland u leedahay aqoonsi caalami ah iyo inay si madax-bannaan u doorato xidhiidhada iyo iskaashiyada ay la yeelanayso dalalka kale.
Afhayeenka ayaa sheegay in dunida maanta aan quruumaha lagu qeexin oo keliya diin, qowmiyad, juqraafi ama dhaqan, balse lagu qiimeeyo dano wadaag, iskaashi iyo xidhiidho istiraatiiji ah.
"Somaliland 35 Sano Ayaa La Go’doomiyay”
Xuseen Dayr ayaa xusay in Somaliland muddo 35 sano ah laga hor istaagay aqoonsi caalami ah, isla markaana siyaasiyan iyo diblomaasiyad ahaan looga reebay hay’adaha caalamiga ah.
Waxa uu sheegay in hay’adaha ay ka mid yihiin Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka aanay Somaliland siin fursad ay ku hesho xuquuqdeeda siyaasadeed, inkasta oo ay dhistay nabad, dimuqraadiyad iyo hay’ado dowladeed oo shaqaynaya.
"Somaliland muddo 35 sano ah waxay dhistay nabad, xasillooni, dimuqraadiyad iyo hay’ado dowladeed oo shaqaynaya iyadoo aan helin aqoonsi caalami ah,” ayuu sheegay Afhayeenku.
Difaaca Xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale difaacay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, isaga oo sheegay in haddii Israa’iil dooratay inay aqoonsato Somaliland isla markaana ay la yeelato iskaashi ku dhisan dano wadaag ah, aanay jirin cid awood sharci ama mid akhlaaqeed u leh inay ka hor timaaddo go’aanka shacabka Somaliland.
Waxa uu xusay in Somaliland xor u tahay inay samaysato xidhiidho iyo iskaashi caalami ah oo waafaqsan danaheeda siyaasadeed iyo kuwa amni.
"Diidmada Somaliland Waxay U Adeegaysaa Cadawga”
Xuseen Dayr ayaa sheegay in isku day kasta oo lagu diidan yahay aqoonsiga Somaliland ama xidhiidhadeeda caalamiga ahi uu ugu dambayn u adeegayo cid kasta oo doonaysa inay wiiqdo madaxbannaanida iyo xasilloonida Somaliland.
"Isku day kasta oo lagu diidan yahay aqoonsiga sharciyeysan ee Somaliland iyo xidhiidhadeeda caalamiga ah waxa uu ugu dambayn u adeegayaa cadawga doonaya inay wiiqaan madaxbannaanida, xasilloonida iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Doodaha Siyaasadeed ee Gobolka
Qoraalka Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha siyaasadeed ee la xidhiidha xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, iyo arrimaha aqoonsiga Somaliland ee saaxadda caalamka.