HADHWANAAGNEWS
Warbixin dheer oo uu qoray William Wallis, oo ka tirsan wargeyska caalamiga ah ee Financial Times, ayaa iftiimisay dadaallada ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto helitaanka suuqyo caalami ah si loo horumariyo dhaqaalaha dalka. Warbixintan oo uu qoruhu ku diyaariyey kadib safar uu ku tagay Hargeysa, ayaa waxaa soo turjuntay Wakaaladda Wararka Somaliland (SOLNA).
Wallis ayaa booqday wershada Coca-Cola ee ku taalla duleedka Hargeysa, taas oo la aasaasay sannadkii 2012 laguna maalgeliyay qiyaastii $17 milyan. Warbixintu waxay xustay in maalgashigan uu ka dhashay adkaysiga ganacsade Axmed Cismaan Geelle, kaas oo rumaysan in Somaliland mustaqbalka lagu soo dhaweyn doono bulshada caalamka.
Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay soo martay jid dheer oo dhanka qaranimada ah, tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madax-bannaanideeda 1991-kii kadib burburkii Soomaaliya. Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland waxaa ku nool qiyaastii 6.2 milyan oo qof, inkastoo dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursadaha maalgashigu ay muddo xaddidnaayeen sababo la xidhiidha helitaanka nidaamyada maaliyadeed ee caalamiga ah.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in casriyeynta dekedda Berbera ay maalgelisay shirkadda DP World, taas oo ku bixisay qiyaastii $450 milyan. Dekedda Berbera ayaa loo arkaa xarun ganacsi oo istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka.
Financial Times ayaa sidoo kale xustay in 70% dhaqaalaha Somaliland uu ku tiirsan yahay dhoofinta xoolaha ee loo iib geeyo dalalka Khaliijka, halka lacagaha ay qurbajoogtu soo diraan ay ka dhigan yihiin qiyaastii saddex meelood meel dhaqaalaha dalka, kaas oo lagu qiyaasay $4.28 bilyan sida ay sheegtay Wasaaradda Maaliyadda.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in masuuliyiinta Somaliland ay rajaynayaan in taageerada ay ka helaan Israel ay gacan ka geysan karto horumarinta beeraha, adeegyada bangiyada iyo kor u qaadista joogitaanka Somaliland ee masraxa caalamiga ah.
Sidoo kale, warbixintu waxay sheegtay in Somaliland ay rajaynayso in dalal kale ay raacaan tallaabada aqoonsiga, iyadoo ku doodaysa in qaddiyadeedu ku dhisan tahay dood sharci iyo taariikheed, maadaama ay ahayd dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska, isla markaana aan si rasmi ah loo ansixin midowgii ay la gashay Soomaaliya 1960-kii.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in Somaliland ay dib u dhistay dalkeeda burburka kadib, iyadoo aan helin taageero ballaadhan oo caalami ah. Sida lagu sheegay warbixinta oo soo xiganaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in ka badan 93% dakhliga dawladda Somaliland waxaa laga soo saaraa gudaha dalka.
Dhanka kale, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Cali Diiriye Axmed ayaa sheegay in dekedda Berbera oo la casriyeeyay sannadkii 2021 ay hadda shaqaynayso qiyaastii 25% awooddeeda, iyadoo shirkadda DP World ay qorshaynayso in ay kordhiso awoodda dekedda ilaa 75%.
Ganacsade Ismaaciil Axmed, oo ah aas-aasaha shirkadda WorldRemit, ayaa sheegay in inkasta oo lacagaha yar-yar si fudud loo kala diro, haddana ay weli jiraan caqabado marka la doonayo in Somaliland loo diro lacago waaweyn oo ganacsi.
Dhankiisa, ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dawlad shaqaynaysa, balse ay wali jirto baahi loo qabo bangiyo waaweyn iyo nidaamyo caymis oo adag. Wuxuu xusay in maalgashigiisu uu hadda gaadhay qiyaastii £35 milyan, isagoo ku balaadhiyay wershado kale sida caanaha iyo daqiiqda, isla markaana aanu wax deyn ah qaadan.
Axmed Cismaan Geelle ayaa ugu dambayn sheegay in ujeeddadiisa ugu weyn ee maalgashigu ay tahay abuurista fursado shaqo, maadaama bulshada Somaliland ay inta badan ka kooban tahay dhalinyaro.