HADHWANAAGNEWS
Hargeysa – Maareeyihii hore ee Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Mudane Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in magaalada Hargeysa lagu baadho tayada biyaha laga keeno magaalooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin Xamar, Garoowe iyo Dhuusamareeb.
Maareeyaha hore ayaa tilmaamay in Xarunta Shaybaadhka Hubinta Tayada Biyaha ee Hargeysa ay tahay mid si heer sare ah u shaqaysa, isla markaana u adeegta guud ahaan Somaliland.
"Waxaan kugu wareejinayaa shaybaadhka hubiya tayada biyaha Hargeysa oo ah mid Somaliland oo dhan u adeega. Biyaha Xamar, kuwa Garoowe iyo Dhuusamareeb waxa la keenaa Hargeysa oo lagu baadhaa,” ayuu yidhi Maareeyihii hore.
Hadalkaasi waxa uu muujinayaa doorka muhiimka ah ee xarunta shaybaadhka Hargeysa ku leedahay hubinta badqabka iyo tayada biyaha, iyo kalsoonida ay ku qabaan hay’adaha kala duwan ee adeegsada adeegyada shaybaadhkaas.