Guurtida Somaliland oo Soo Afjartay Colaaddii u Dhaxaysay Beelaha Ciise iyo Gadabuursi

Thursday February 12, 2026 - 16:45:53
HADHWANAAGNEWS
Guurtidu waxay odayaasha beelaha Ciise iyo Gadabuursi



Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ee nabadeynta ugu maqnaa gobollada Awdal iyo Selel ayaa si rasmi ah u soo gaba-gabeeyey dadaalladii ay ku dhex-dhexaadinayeen beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay.

 

Mudaneyaasha ayaa ku guuleystay inay soo afjaraan xaaladdii sababtay colaadda sokeeye, iyaga oo ku qanciyey dhinacyada inay qaataan nabad waarta iyo wada noolaansho ku dhisan walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

 

Guurtidu waxay odayaasha beelaha Ciise iyo Gadabuursi u kala saxeexeen heshiis xabbad-joojin ah, kaas oo saldhig u ah nabad buuxda iyo wada-hadal joogto ah. Heshiiskan ayaa dhigaya in la joojiyo colaadda, la ilaaliyo amniga, lana xoojiyo wada-shaqeynta labada beelood si loo adkeeyo midnimada iyo wada noolaanshaha bulshada.

 

Mudaneyaasha ayaa si qoto dheer uga warbixiyey faa’iidada ay nabaddu u leedahay bulshada, iyaga oo xusay in nabaddu tahay tiirka horumarka, xasilloonida iyo barwaaqada. Waxay tilmaameen in marka nabad la helo ay fududaanayso helitaanka adeegyada bulshada, kobaca ganacsiga, waxbarashada iyo maalgashiga, isla markaana ay yaraato barakaca iyo khasaaraha naf iyo maalba leh.

 

Sidoo kale, Guurtidu waxay beelaha ku boorrisay inay ka shaqeeyaan adkaynta walaaltinimada, kana fogaadaan wax kasta oo hurin kara khilaaf hor leh, iyaga oo carrabka ku adkeeyey in mas’uuliyadda ilaalinta nabaddu ay saaran tahay dhammaan qaybaha bulshada.

 

Mudaneyaasha ayaa xalay dib ugu soo laabtay magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, waxaana la filayaa inay maanta ku laabtaan caasimadda Hargeysa, halkaas oo ay warbixin rasmi ah uga gudbin doonaan Madaxweynaha iyo Golaha Wakiillada. Waxa kale oo la qorsheeyey inay mar kale dib ugu laabtaan deegaannada ay khusayso marka la gaadho bisha Ramadaan kadib, si loo sii xoojiyo heshiiska iyo wada noolaanshaha beelaha walaalaha ah.

 

Gaba-gabadii, dadaallada Guurtida Somaliland waxay mar kale muujinayaan kaalinta muuqata ee ay kaga jiraan nabadeynta, isu soo dhowaanshaha bulshada iyo ilaalinta midnimada qaranka. Nabadda la xaqiijiyeyna waa guul u soo hoyatay dhammaan shacabka Somaliland.

     
Loading...