hadhwanaagnews
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si weyn u bogaadiyey Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, isagoo ku tilmaamay mid muhiim ah in hal meel ay iskugu yimaadaan dhammaan madaxda matalaysa awoodda Qaranka si xal degdeg ah loogu raadiyo colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salel.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in xaaladda taagan ay u baahan tahay dadaal degdeg ah oo mideysan, si loo joojiyo dagaalka u dhexeeya labada beelood, isla markaana loo gaadho nabad waarta.
Isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:
"Waxaan Madaxwayne kugu bogaadinayaa in intii awoodda qaran matalaysay oodhan aan iskugu nimi, hadaynaan hagranayn waynu ku filanay hirgalinta nabadda galbeedka, markaa waxay ila tahay aan dadajino—sugitaan ma leh maanta.”
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in la xoojiyo dadaallada nabadaynta, islamarkaana la gaadho heshiis rasmi ah oo dhex mara labada dhinac, si loo xaqiijiyo xasillooni iyo wada noolaansho waara.
Hadalka Guddoomiyaha Guurtida ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in la mideeyo awoodda Qaranka, isla markaana si degdeg ah loo hirgeliyo nabadaynta gobollada galbeedka, ka hor inta aanay xaaladdu sii xumaan.