HADHWANAAGNEWS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Golaha Wasiirrada si faahfaahsan uga warbixiyey safar shaqo oo isaga iyo wefti uu hoggaaminayey ku tageen Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan ka qayb-galkii Shirkii Caalamiga ahaa ee World Governments Summit oo ka qabsoomay magaalada Dubai.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tani ay tahay markii labaad oo xidhiidh ah oo uu si heer sare ah uga qayb-galo madashan caalamiga ah, taas oo ka mid ah shirarka ugu waaweyn uguna saamaynta badan dunida ee lagu falanqeeyo mustaqbalka dawladnimada, horumarinta dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Intii uu shirku socday, Madaxweynaha JSL waxa uu kulammo heer sare ah la yeeshay madax iyo hoggaamiyeyaal ka socday dalal kala duwan, wufuud caalami ah iyo ganacsato waaweyn. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, abuurista fursado maalgashi, iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sharraxay ahmiyadda istiraatiijiyadeed ee safarrada noocan ahi u leeyihiin Qaranka JSL, isaga oo tilmaamay in ka qayb-galka madalaha caalamiga ahi ay sare u qaadaan sumcadda, kalsoonida iyo muuqaalka ay Somaliland ku leedahay beesha caalamka, isla markaana ay furaan albaabbo cusub oo iskaashi iyo maalgashi wax ku ool ah.
Ugu dambayn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo dawladnimada, kobcinta dhaqaalaha, ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah iyo dardargelinta himilooyinka qaran ee la xidhiidha horumar waara iyo aqoonsi raadis.