HADHWANAAGNEWS
Nin ayaa rabshad ka abuuray kulan dadweyne oo ay qabanaysay xildhibaanad Ilhaan Cumar kaddib markii uu ku saydhiyay dareere aan la aqoon waxa uu yahay oo lahaa ur aan habboonayn.
Kulkanka dadweyne ayaa ka dhacayay Minneapolis Talaadadii, xilli ay cambaareynaysay tallaabooyinka Hay'adda Socdaalka iyo Kastamyada Mareykanka (ICE) ee ku sugan Minnesota.
Muuqaal bahay ayaa muujinaya nin si degdeg ah ugu soo ordaya xildhibaanadda oo taagnayd masraxa, kuna buufinaya dareere. Nin kale oo weyn ayaa islamarkiiba qabtay, dhulka ku tuuray kana hor istaagay.
Ilhaan ayaa dhowr tallaabo u qaadday dhinaciisa iyadoo gacanta kor u taagtay ka hor inta aan la xakameyn ninkaasi, kaddibna waxay sii wadatay khudbaddeedii kaddib hakad kooban oo dhacay.
Booliiska Minneapolis ayaa sheegay in saraakiishii goobta joogtay ay arkeen ninka oo isticmaalaya irbad si uu ugu buufiyo dareere aan la garanayn waxa uu yahay. Booliisku waxay si degdeg ah u xidheen ninkaasi iyaga oo ku eedeeyay weerar darajada saddexaad ah, waxayna sheegeen in Ilhaan aanu wax dhaawac ah soo gaadhin. saynisyahanno ayaa goobta yimid si ay u baadhaan dhacdada, sida ay booliisku sheegeen.
"Walax ayuu ku buufiyay," ayay cod la maqli kao ku tidhi haweeney ka qaybgashay kulanka dadweynaha, halka ugu yaraan gabadh kale ay sheegtay in ay jirtay ur xun oo ka imanayey dareerahaasi. Ilhaan ayaa tidhi "waxaan u baahan nahay masarka wax lagu tirtiro," xilliga ninkaasi goobta laga saarayay, ka hor inta aanay ku darin, "Waan sii wadeynaa."
Qoraal ay soo dhigtay barta X, Ilhaan waxay ku tiri: "Waan fiicanahay. Waxaan ahay qof badbaaday, marka kicintan yar ima cabsigelin doonto inay iga horjoogsato gudashada shaqadayda. Uma oggolaado cagajugleeyeyaasha inay guuleystaan."
Dhacdada ka dib, Ilhaan ayaa dadka hoolka joogay u sheegtay "waan sii wadi doonnaa... Minnesota ayaanu nahay kuwo xooggan".
Jaylaani Maxamed Xuseen oo ah guddoomiyaha hay'adda Care ee u doodda xuquuqda dadka ee magaalada Minnepolis ayaa BBC-da goor dhawayd in uu la xidhiidhay xildhibaanadda.
"Waxaan la hadlay Ilhaan Cumar. Waxaanay ii xaqiijisay in ay nabad qabto," ayaa uu yidhi.
Waxa uu sheegay in haatan xaaladda magaalada ay deggan tahay.
Ilhaan Cumar oo hadda ka hor sheegtay in "dil loogu hanjabay"
Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weeraradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadalada ka dhanka ah bini'aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.
Ayadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynaha uu ku baaqay in dalka laga saaro, ayey Ilhan Cumar waxay sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay "meesha ugu xun ee qof bani'aadan ah uu gaaro" uuna dadka ku dhiirigeliyo inay ficil sameeyaan.
"Waxaa jira dad loo xiray inay ay iigu hanjabeen inay i dilayaan," ayay u sheegtay wargayska the Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington. "Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay dadkaas inay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, ayagoo moodaya inaan aniga ahay oo ay waxyeello u geystaan" ayey tiri Ilhaan.
Trump ayaa hadalkan ka sheegay xaflad u eg isu soo bax todobaadkii hore, taasoo ka dhacday gobolka Pennsylvania, halkaas oo taageerayaashu ay ku dhawaaqayeen "dib u celi!" Kadib markii uu madaxwaynuhu dabada ka riixay aragti aan sal lahayn oo ah in Ilhaan Cumar oo Soomaali ah ay walaalkeed guursatay si ay dhalasho Maraykan ah u qaadato.
Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, oo ku timid Mareykanka qaxoontinimo ayadoo da'deedu ahayd 12 jir ayaa noqotay muwaadin marki ay gaartay da'da 17 jirka ah, waxayna ku tilmaantay go'aanka Trump mid "wax xun" iyo "caafimaad xumo ah inay qof uga dhegtay".
Sannadkii 2019-kii, Ilhaan waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Maraykan ah, asalkiisuna yahay Afrikaan Maraykan ah, iyo mid ka mid ah labadii haween ee Muslimka ahaaa ee Maraykanka ugu horreeyey ee ka mid noqda Congress-ka dalkaas.
Bbc/somali