hadhwanaagnews
Burco (Hadhwanaagnews.com): Ciidanka Socdaalka Somaliland ee Gobolka Togdheer ayaa maanta magaalada Burco ka sameeyey hawlgal lagu baarayo laguna qabanayo dadka ajaanibta ah ee dalka ku jooga si aan waafaqsanayn shuruucda socdaalka.
Saraakiisha Ciidanka Socdaalka ee Gobolka Togdheer oo ka hadlay hawlgalka ayaa sheegay in ay heleen dareen iyo xog bulshada ka soo gaadhay, taas oo ku saabsan xaaladda ajaanibta ku sugan magaalada Burco.
Saraakiishu waxay sheegeen in hawlgalkan maanta lagu fulinayo magaalada Burco uu qayb ka yahay dadaallada lagu hubinayo xaaladda sharci ee ajaanibta, gaar ahaan dadka aan haysan dukumentiyada ama oggolaanshaha looga baahan yahay joogitaanka dalka.
Ciidanka Socdaalka ayaa sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan hawlaha lagu xaqiijinayo in dadka ajaanibta ahi u hoggaansamaan shuruucda socdaalka Somaliland.