dhis shaqsiyadaada oo qorshee Maskaxdaada ka dhig jiheeye

Friday January 02, 2026 - 18:45:32
hadhwaangnews
*Gacmahaaga ka dhig mashiinno wax-sameeya

--mid kuu tilmaanta halka aad u socoto, kaana ilaalisa jahawareer nafsi ah_
*Waqtigaaga ka dhig faa’iido
-ha noqon mid lumiya fursada ee noqo ka faaida_
*Gacmahaaga ka dhig mashiinno wax-sameeya
-ku dhis, ku caawi, kuna abuur kheyr aan go’ayn.
*Lugahaaga ka dhig jid-doon
-u soco horumar, kana fogow meelaha gadaal kuu celinaya_
*Qalbigaaga ka dhig hoy nadiif ah
-Kana illaali xumaan , xasad kuna daji naxariis,
*Hadalkaaga ka dhig miisaan
— ka fiirso intaadan odhan, hana noqon mid ku dhaawaca dad kale_
*Indhahaaga ka dhig muraayad xulasho
— ku eeg waxa ku anfaca, kana jeedso waxa qalbiga dila.
*dhagahaaga ka dhig filtar
— dhagayso waxa ku toosiya, iska daa waxa ku lumiya.
*Afkaaga ka dhig albaab xakmo
— wax walba ha u furin, ha noqdo mid xigmo leh.
*Carabkaaga ka dhig xasuusin kheyr
— ku hadal run, ku celceli wanaag, ku faafi nabad.
*Wajigaaga ka dhig iftiin rajo
— dadka marka ay ku arkaan ha kaa helaan degganaan.
*Garaadkaaga ka dhig qalab go’aan sax ah leh
— ha noqon mid degdega, ee noqdo mid garasho sare leh .
Mas’uuliyaddaada ka dhig sharaf
— ha ka cararin, hana fududaysan.
*Cuntadaada ka dhig tamar nadiif ah
— waxa aad cunto ha dhiso jidhkaaga iyo maskaxdaada.
*Hurdaada ka dhig dib-u-cusboonaysiin
— nasasho u qaado si aad u xoogaysato,
*Rajadaada ka dhig mid nool
— ha noqon riyo seexatay, ee noqoto yididiilo shaqaynaysa.
*Niyadaada ka dhig adkaysi
— ha jabin marka aad guuldarraysato, ka baro casharo oo sii soco.
*Cibaadadaada ka dhig saldhig
— iyadaa ku toosisa marka adduunku qalloocmo.

AbdiAziz Khairdoon

 

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...