Dallada Waaberi Ee Ceerigaabo Oo Wacdaro Ka Dhigtay Diyaar-garowga 18-ka May

Friday May 15, 2026 - 11:56:20
hadhwanaagnews
Diyaargarowga ay sameeyeen Dallada Waaberi ayaa si weyn...



Dallada Waaberi ee magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn uga dhex muuqatay diyaar-garowga xuska maalinta qaran ee 18-ka May, kadib abaabul iyo munaasibado ay kusoo bandhigeen dareen waddaniyadeed iyo taageerada qarannimada Somaliland.


 

Xubnaha dallada ayaa magaalada kusoo bandhigay calamo, hal-ku-dhigyo iyo astaamo ka tarjumaya muhiimadda ay maalintani u leedahay shacabka Somaliland, iyaga oo bulshada ugu baaqay inay si mug leh uga qayb qaataan dabaaldegyada 18-ka May.


 

Diyaargarowga ay sameeyeen Dallada Waaberi ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Ceerigaabo, waxaana lagu tilmaamay mid qeyb ka ah abaabulka iyo ololaha xooggan ee lagu soo dhaweynayo sannad guurada dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.


 

Dadweynaha magaalada ayaa bogaadiyay doorka dhalinyarada iyo ururrada bulshada ee ka qeyb qaadanaya qurxinta magaalada iyo sare u qaadidda dareenka waddaniyadeed ee munaasabadda 18-ka May.

     
Loading...