hadhwanaagnews
Ciidanka Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay nin lagu eedeeyay dilka Marxuum Cabdisalaan Maxamuud Cabdi, kaas oo ka dhacay magaalada Boorama.
Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Hamse Cabdillaahi Diriye lagu qabtay hawlgal ay fuliyeen Booliska gobolka Awdal, iyadoo ay gacan ka geysteen qaar ka mid ah bulshada deegaanka.
Laamaha ammaanka ayaa xusay in eedeysanaha dhawaan la horgeyn doono maxkamadda si loo mariyo habraaca sharciga.