Dagaal Khasaare Culus Geystay oo Shalay Ka Dhacay Adhi-Caddeeye

Tuesday June 23, 2026 - 10:47:38
hadhwanaagnews
Sida xogaha la helay tilmaamayaan, abaare 10:00 subaxnimo



Ugu yaraan 9 qof ayaa ku dhintay, halka 33 kalena ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Adhi-Caddeeye.

 

Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dagaalku ka dhashay xiisad hore u dhex martay laba beelood oo wada dega deegaannadaasi.

 

Sida xogaha la helay tilmaamayaan, abaare 10:00 subaxnimo ayaa jidka mara Adhi-Caddeeye lagu weeraray laba nin oo la sheegay inay ahaayeen rag qaadle ah. Weerarkaas ayaa sababay dhimashada hal qof, halka qofkii kale uu dhaawacmay. Sidoo kale, nin kale oo goobta ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay rasaas seeraare ah.

 

Kadib markii maydka iyo dhaawacyada loo qaaday deegaanka Yagoori, ayaa xaaladdu cirka isku shareertay, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal toos ah oo dhex maray labada dhinac.

 

Xogaha ugu dambeeyey ayaa muujinaya in dagaalku sababay dhimashada 9 qof iyo dhaawaca 33 qof oo kale.

 

Sidoo kale, dagaalka ayaa sababay burbur hantiyeed, iyadoo la soo weriyey in guryo iyo hanti kale ay ku waxyeelloobeen rabshadaha ka dhacay deegaanka.

 

Masuuliyiinta iyo odayaasha dhaqanka ayaa wada dadaallo lagu dejinayo xaaladda, si looga hortago colaado hor leh oo ka dilaaca deegaanka.

     
Loading...