Sidee Wax U Jiraan?
Bilihii ugu dambeeyay waxaa ka taagan gobolada Selel & Awdal xaalad uu abuuray xeer dhaqameedka Beesha Ciise oo la sheegay in xaflad loogu qaban doono magaalada Saylac oo beesha Ciise deegaan iyo hiddo raac taariikh fac weyn ku leeyihiin, sidoo kale lagu caleemo saaro Ugaasyada beeshaasi oo si mucjiso ah loo soo qabto marka la boqrayo.
Haddaba isweydiintu waxay tahay xeer dhaqameedka beelweynta Ciise miyaa la weheliyaa oo wax kale ayaa jira oo halkaasi yaalla oo abuuraya khilaafka iyo muruga taagan?
Haa; waxaa jira is heyn deegaan oo beelaha deegaanadaa wada degen ka dhaxaysa oo xataa aan ku koobnayn ciise iyo gadabuursi ee marka si mug leh loo eego ilaa beesha habar awal ka mid tahay dadka arimaha dhulkaasi ka taagani , waana ubucda khilaafka iyo muruga ee ujeedadu maaha in dadka deeganadaasi buugan diidan yihiin , waa sida aan wax u arko e.
➊ Sababta 1aad
xeerkani hadii ku dhaqankiisa iyo macluumaadka uu sido la isku hayo hore ayaa la isugu qaban lahaa maadaama uu ahaa axdi iyo xeer beelweynta ciise boqolaal sano isku xukumayeen dadka ay deegaan wadaagta yihiin kula dhaqmayeen oo maaha wax cusub ee waxa hada jiraa waa in buug laga dhigey uun.
➋ Sababta 2aad
Hadii cidi diidayso dawlada ayay aheyd inay diido iyaga oo ku sababaynaya in buuga saylac lagu soo bandhigayaa aanu dalka Jamhuriyada Somaliland iyo dawladiisa aqoonsanayn sidoo kalena maamulo iyo dawlado Somaliland lid ku ah lagu xusay, waa Sababta kaliya ee xukuumadu ku baajin lahayd bandhiga buuga xeer ciise .
➌ Sababta 3aad
Xeerku maadaama dadka lagu dhaqayo ay qayb ka yihiin dad reer Somaliland ah sidoo kale uu yahay xeer dhaqan marka hore waxay ahayd in ;
b) Golaha Guurtida Jsl loo geeyo oo ay ka eegaan inuu dhaqanka iyo diinta waafaqsan yahay.
t) Hay'adaha xeerarka qaranka iyo shuruucda ku shaqada leh in la tuso si loo hubiyo in dastuurka dalka Jamhuriyada Somaliland iyo xeerku is-waafaqsan yihiin.
BEESHA CIISE MAXAA LA GUDBOON?
Beesha Ciise waxaa la gudboon inay ixtiraamaan qaranimada iyo qadiyada jamhuuriyada Somaliland oo ay qayb ka yihiin halgankeegii , heshiisyadii nabada iyo dib u dhiskii dalka oo buuga lagu xuso in Jamhuriyada Somaliland tahay dawlad iyo dal sida wadamada kale ugu qoran yihiin.
BEELAHA KALE MAXAA LA GUDBOON?
Beelaha kale waxaa la gudboon in beelweynta ciise lagu ixtiraamo xeer dhaqameedkooga oo horeba ay ugu dhaqmi jireen iyo buuga lagu xardhay xeerarka beeshaasi isku dhaqdo.
XUKUUMADDA JSL MAXAA LA GUDBOON?
Xukuumada jamhuuriyada Somaliland waxaa la gudboon inay ka feejignaato in xeerkaasi la siyaasadeeyo sidoo kale aan beelaha walaalaha ah ee reer Somaliland isku muuq-muuqanin oo aan la abuurin colaad iyo xumaan dhaxalkoogu noqdo dagaalo iyo dhiig daata oo dadkeenu isku dilo wax laga wada hadli karo la maareyn karo la isku tanaasuli karo.
Mohamed Abdi Jama
(Mohamed Dhimbiil)
Hargeisa, Somaliland.