hadhwanaagnews
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ayaa soo qaban-qaabisay kulan ballaadhan oo lagu gorfaynayo laguna ansixinayo Siyaasadda iyo Xeerka Iskaashatooyinka Dalka, kaas oo socon doona muddo laba cisho ah.
Shirkan muhiimka ah waxaa ka qayb-galaya hoggaanka iskaashatooyinka kala duwan ee dalka, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, masuuliyiin ka socota Hay’adda Triple Line, iyo wakiillo ka socda dalladda SLBA.
Kulanka ayaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, isagoo sheegay in dejinta iyo ansixinta siyaasaddan iyo xeerkan cusub ay muhiim u tahay xoojinta nidaamka, wadajirka iyo hufnaanta shaqo ee iskaashatooyinka dalka. Wasiirku wuxuu xusay in tallaabadani ay door weyn ka qaadan doonto kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta iskaashiga bulshada.
Inta uu shirku socdo, waxaa si qoto dheer looga doodi doonaa qodobbada ku jira siyaasadda cusub iyo xeerka iskaashatooyinka, si loo hubiyo inay si buuxda uga jawaabayaan baahiyaha jira, isla markaana ay taageeraan horumarinta wax-soo-saarka, iskaashiga ganacsi iyo koboca dhaqaalaha bulshada.
Ugu dambayn, waxaa la filayaa in si rasmi ah loo ansixiyo Siyaasadda iyo Xeerka Iskaashatooyinka Dalka, kuwaasi oo hagaya nidaamka iyo horumarka iskaashatooyinka dalka mustaqbalka.