 hadhwanaagnews
            hadhwanaagnews          
		
Ninkaasi Waa sheekaawi dhaqankiisa amaanaya ka gobolada kalena liidaya qaab dadban oo xeeladaysan iyo badaw baan ahay ku gabanaya.
Marka uu dumarka ka hadlaayo Gabadh walaashiiya inta uu gobol kale ku sheego ayuu odhanayaa balwad bay lahayd oo hebelna wax bay wada qasanayeen.
Ninka gabadh walaashiiya waxaa u quudhay ee Tv la soo istaagay in uu waalidkii habaaray way ka muuqataa hablahana u darnaa oo inkaarnaa oo badu soo tuftay.
Dhinaca kale wuxuu odhanayaa magaalo heblaan ka imid oo badaw baan ahay magaaladiisa dadka kalena ilbax buu ku sheegayaa intuu xumaan oo dhan dhabarka u saaro waa Cay taasi.
Waa nin dhaqanka reerkooda amaanaya oo badawnimo ku gabanaaya haddana dadka kale si guud u caayaya isagoon kala reebin.
Umadu mid wanaagsan iyo mid aan fiicnayn meel kasta wuu joogaa balse in aad dadka wanaaga iyo xumaanta u qabyaaladaysaa waa ilbaxnimo daro.
Ninkaasi wixiisu waa dumar, buuq, aduun raadis hal mar kamuu hadal wanaaga diinta wixiisu waa aduun raadis iyo dumar la muran. Intaan ka fahmay.
Nin falaago ah oo dunida iyo dadkuba dumar iyo rag ba badu soo tuftuu u eeg yahay wax kasta buuq iyo waan madax adagahay buu ku dhisayaa.
Waa ninka gabadhiisa BBC doodeenii guriga igula dood ku yidhi kuna qanciyay dadkana ka dhaadhiciyay way iga soo horjeedaa oo waanu is haynaa.
Ee haddana edadii Bbc u balamiyay ee ku yidhi wixii aad ilahayd halkan iga dhe. Ee hadana yidhi markaa ayaa waxoogaa lacag ah la ii soo diray.
Ninkaasi waa kuwii tarabuub la ciyaarka la odhan jiray weeyaan markaa noociisa waxay dhakhaatiirtu u yaqaanaan Ego- defensive Waa dad iyaga oo aan wax buuran hayn haddana buur ismooda oo is daawada una haysta in umada oo dhan ogtahay oo daawanayso waana dhibta ugu wayn ee haysata.
Ugu dambayn in uu shaqo kasta ka shaqaysto oo xalaal ahi waa waajib waanan ku boorinayaa balse sida uu sheegay shaqadan dad badan baa deegaanka uga horeeyay oo aan waligood buuq siraate noqon oo hawshooda si caadiya magaalada u watay.
Waxa uu inooga dhigay dadkuna u fahmeen ninkii u horeeyay iyo in balaayo dhacday, iyo wax aan la maqal magaalada shaqadan waa looga horeeyay ee waa buyq siraadasho iyo xeelado kale iyi saama jiidid cusub.
Ninkani shaqada shaqooyin kale ayuu dhex wataa ee waxaan odhan lahaa fanaaniintana in aad ku biirto soo tijaabi iyana caqligeenana taan la caayin nuxurka sheekadana sidaan u fahmay waa sidaa.
Qalinkii: Axmed Cali kaahin.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!