hadhwanaagnews

Siyaasiga Mujaahid Cali Guray ayaa sheegay in haddii ay rumoowdo iscasilaadda Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, uu u arko Cabdulqaadir Jirde inuu yahay shakhsiga ugu habboon ee hoggaamin kara Golaha Guurtida.
Cali Guray ayaa xusay in inkasta oo Cabdulqaadir Jirde aanu hadda xubin ka ahayn Golaha Guurtida, ay suurtogal noqon karto inuu xubin ka noqdo haddii xubin ka tirsan golaha ay uga tanaasusho kursigeeda.
Waxa uu sheegay in taageeradiisu ku salaysan tahay aqoonta uu u leeyahay kartida, waayo-aragnimada iyo kalsoonida uu bulshada ku dhex leeyahay Cabdulqaadir Jirde, isaga oo rumaysan in hoggaankiisu wax ka beddeli karo habsami u shaqaynta Golaha Guurtida.
Mujaahid Cali Guray ayaa ugu dambayn caddeeyey in hadalkani uu yahay aragtidiisa shakhsiga ah, isla markaana aanu metelayn mowqif rasmi ah oo cid kale.