"Nabad in la Helo Waxa ka Weyn in la Adkeeyo"

Wednesday October 29, 2025 - 12:55:47
hadhwanaagnews
Markaa guud ahaan Somaliland ayaa midawday, marka nabad la helo ayaa waxqabad



Xildhibaan Axmed Muuse Jaamac oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland,ayaa si wayn ugu ammaanay Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro hirgelinta gogosha nabadda ee gobolka Sanaag, waxaa kale oo uu ku hambalyeeyay madaxdhaqameedka bari iĺlaa galbeed ee dalka sida wanaagsan ee ay nabadda uga shaqeeyeen isla markaana u dhameeyeen wax kasta oo nabadgelyada caqabad ku noqon lahaa.waxaanu intaa ku datay in ka xildhibaano ahaan na inay doorkooda ka qaateen gogosha nabada.

Waxaa kale oo uu Xukuumadda usoo jeediyay in mashaariicda horumarka dalka in loogu horrayssiiyo gobolada bari oo gobolka Snaag ugu horreeyo, taas oo uu sheegay in ay Xukuumadda ku daba gali doonaan. Xildhibaan Axmed Muuse oo Khadka Taleefanka waraysi kooban ku siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan gobolka Sanaag, oo gunaanadka gogosha nabadda Ceerigaabo wax laga waydiyay ayaa ku jawaabay "Shirkaa nabaddu guul iyo nabad ayuu ku soo dhamaaday Ugaaskii guud ee beelaha galbeedka Somalilnd iyo Suldaankii guud ee beelaha Bari ayaa isugu yimi oo Madaxweynana labada dhinac ka fadhiyay, si wanaagsan oo sharafleh ayuu ku soo dhammaaday Madaxweynuhuna nabaddii ayuu dhisay oo seeska u dhigay,marka nabad la helo dadkii walaalaha ahaa ee kala maqnaa ayaa isu imanaya, marka nabad la helo ayaa horumar la helayaa markaa dalka Somaliland oo dhan ayaa midoobay bari illaa galbeed oo gacmaha is haysta oo ku diirsaday nabada gobolka Sanaag iyo gogosha Madaxweynuhu dhigay ee aslaaxday.

Markaa guud ahaan Somaliland ayaa midawday, marka nabad la helo ayaa waxqabad la helayaa oo waxkasta oo wanaag ahi ay qabsoomayaan, guud ahaan shacbiga Somaliland meel kasta ha joogaan e way ku farxeen nabadaas, waxaana ka naxay cadawga Somaliland oo ka xun markasta in dadkeena iyo dalkeenuba inoo hagaagaan.

Xildhibaanka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay dhanka horumarka gobolada bari sida ay uga shaqaynayaan, ayaa yidhi "Ka xildhibaano ahaan waxaan diyaar u nahay in aanu xukuumadda ku daba galno waxqabadka gobolada bari oo mashaariicda la geeyo oo gobolada kale ee dalka la soo gaadhsiiyo.

Madaxweynahana waan ku hambalyaynaynaa nabadda sida uu uga shaqeeyay ee uu dalka nabad ugu soo dabbaalay, sababtoo ah markii la doortay Madaxweynaha dalku wuu xaaladaysnaa oo ma degenayn markaa tallaabooyinka qaran ee qaaday illaa maalintii la doortay ee nadaynta iyo isu keenista dadka ah waan ku bogaadinayaa.”

Xildhibaanka oo farriin u dirayay bulshada gobolka Sanaag, ayaa yidhi "Bulshadana gobolka Sanaag waxaan leeyahay nabadda in la helo waxaa ka wayn in la adkeeyo nabaddii waa la helay oo waa la hayaa oo waataa Gogoshii nabadda ee Madaxweynaha qaranku dhigay guulaysatay, markaa waxaa looga baahan yahay bulshada gobolka Sanaag in ay nabadda ku faro adaygaan oo ay si wada jir ah u wada illaaliyaan oo qofkstaba xilka ka saran nabadgelyada uu garto oo uu guto.”

     
Loading...