Xidhiidhka Xukuumada iyo Shacabka: Kulanka Bulshada ee Berbera iyo Masuuliyiinta Dawladda Dhexe

Saturday September 27, 2025 - 12:42:32
hadhwanaagnews
Hadallada ka soo yeedhay Badhasaabka gobolka Saaxil iyo Maayirka Berbera,



Kulankii ay Jimhihii shalay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha dawladdu la yeesheen bulshada magaalada Berbera wuxuu ahaa mid si qoto dheer u muujinaya muhiimadda ay leedahay is-xogwaraysiga tooska ah ee u dhexeeya shacabka iyo masuuliyiinta heer qaran. Kulankani ma ahayn oo keliya mid xog-ururin ah, balse wuxuu ahaa fursad wax ku ool ah oo dadka deegaanku ay si toos ah codkooda ugu gaadhsiinayeen mas’uuliyiinta ku hawlan hagidda siyaasadda iyo adeegyada qaranka.

In bulshada Berbera ay su’aalo toos ah weydiiyaan agaasimeyaasha guud waa astaan muujinaysa hufnaan iyo is-faham bulshada iyo xukuumadda dhexdeeda ah. Waxaa sidoo kale la dareemay in la tixgelinayo doorka shacabka ee ku aaddan horumarka magaalooyinka iyo gobollada dalka, gaar ahaan dhinacyada adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadiifta ah, iyo shaqo-abuurka.

Hadallada ka soo yeedhay Badhasaabka gobolka Saaxil iyo Maayirka Berbera, oo si weyn u bogaadiyey kulanka, waxay muujinayaan in maamulka deegaanku uu muhiimad gaar ah siinayo kor u qaadidda wada-shaqaynta dawladda dhexe iyo shacabka. Tani waxay horseedi kartaa kalsooni ballaadhan oo ay bulshadu ku qabto dawladda, waana arrin ay mudan tahay in laga dhigo nidaam joogto ah.

Sidaas darteed, waxaan ku dhiirrigelinaynaa in kulamo noocan oo kale ah laga qabto dhammaan gobollada dalka si loo xaqiijiyo in go’aannada heer qaran ay salka ku hayaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada. Kulankii Berbera wuxuu ahaa tusaale wanaagsan oo muujinaya sida loo dhisi karo dawlad loo dhan yahay, oo u nugul baaqa shacabka.

     
Loading...