Wasiir Geel-jire oo Furay Shir lagu Lafa-gurayo Qorshaha iyo Jihida Horumarinta ee Shanta Sanno

Wednesday September 24, 2025 - 13:43:05
hadhwanaagnews
Aqoon-isweydaarsigan ayaa ujeeddadiisu tahay in si qoto dheer



Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire), ayaa si rasmi ah u furay aqoon-isweydaarsi muhiim ah oo diiradda lagu saarayo diyaarinta Qorshaha Istaraatijiyadeed ee wasaaradda ee shanta sannadood ee soo socda 2026 ilaa 2030.

Munaasabaddan muhiimka ah oo ka dhacday xarunta wasaaradda, ayaa waxa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Mudane Cabdi Cali Mahdi. Waxa kale oo kasoo qayb-galay dhammaan agaasime waaxeedyada wasaaradda iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan shaqaalaha farsamada.

Aqoon-isweydaarsigan ayaa ujeeddadiisu tahay in si qoto dheer loo falanqeeyo jihooyinka horumarineed ee mustaqbalka wasaaradda, lana dejiyo qorshe istaraatijiyadeed oo waafaqsan baahiyaha deegaanka, isbedelka cimilada, iyo himilooyinka qaranka ee la xidhiidha ilaalinta iyo horumarinta deegaanka.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray: Qiimaynta guulaha iyo caqabadaha muddadii hore ee qorshaha, Dejinta yoolal cusub oo la jaanqaadaya isbedellada deegaanka iyo cimilada iyo Dardar gelinta wada-shaqeynta hay’adaha iyo la-hawlgalayaasha.

Wasiir Geel Jire ayaa khudbaddiisa furitaanka ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si dhab ah u lafa-guraan qorshaha, una wajahaan hawsha si xirfadeysan oo mustaqbal fog laga eegayo. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la helo qorshe dhisan oo horseedi kara xoojinta waxtarka wasaaradda iyo wax-ka-qabadka isbedelka cimilada ee Somaliland.

Dhanka kale, Agaasime Cabdi Cali Mahdi ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda wada-tashiga iyo ka-qaybgalka dhammaan qeybaha kala duwan ee wasaaradda, isagoo tilmaamay in qorshahan uu noqon doono hagaha shaqada shanta sano ee soo socota.

Gebogabadii, aqoon-isweydaarsigan ayaa lagu wadaa in uu horseedo dejinta qorshe istaraatijiyadeed oo dhameystiran, kaas oo noqon doona aasaaska horumarka mustaqbalka ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland.

     
Loading...