Dahabshiil Bank oo Kaalin Mug leh ka Qaatay Taabbo-gelinta Shirweynaha Data-SD2025

Wednesday August 20, 2025 - 12:05:17
hadhwanaagnews
Shirweynaha Caalamiga ah oo lagu qabtay magaalada Boorama ....



Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshil Bank oo ku suntan taageerada tiirarka horumarineed ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa door weyn ka qaatay taabagelinta Shirweynaha Caalamiga ah ee Cilmiga Xogta ee Horumarka Waara (Data Science for Sustainable Development Data-SD2025), kaas oo lagu qabtay magaalada Boorama. Shirkan oo ay martigelisay Jaamacadda Camuud, waxa uu isu keenay khubaro, aqoonyahanno iyo saynisyahano heer caalami ah, kuwaas oo khibradooda iyo waayo-aragnimadooda ku soo kordhiyey madashan, iyada oo si qoto dheer looga dooday kaalinta uu Cilmiga Xogta (Data Science) ku leeyahay horumar waara, hal-abuurka iyo dhismaha mustaqbalka jiilalka soo socda.

Shirweynaha Caalamiga ah oo lagu qabtay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdasl, ayaa noqday madal heer sare ah oo lagu lafo-guray doorka cilmiga Data Science for Sustainable Development (Data-SD2025) iyo falanqaynta casriga ahi ku leeyihiin horumarka, hal-abuurka cusub iyo dhismaha mustaqbalka jiilalka soo socda.

Waxaa xusid gaar ah mudan kaalinta muuqata ee uuDahabshil Bankka qaatay taabagelinta shirkan, taas oo mar kale muujisay sida ay bangiga iyo shirkadda Dahabshiil Group ay uga go’an yahay dhiirrigelinta aqoonta, tiknoolajiyadda iyo horumarinta bulshada Somaliland. Doorka wax-ku-oolka ah ee Dahabshiil Banka ka ciyaaray madashani maaha oo kaliya mid dhaqaale, balse waa farriin cad oo ku saabsan masuuliyadda bulshada iyo ka qaybqaadashada dhismaha mustaqbal waara.

Xogta iyo xog-ururinta cilmiga ku dhisan (Data Science) waa laf-dhabarta horumarinta casriga ah ee dhaqaalaha, deegaanka iyo adeegyada bulshada. Haddii la waayo xirfadlayaal iyo hay’ado taageera barashada iyo horumarinta cilmigan, waddamadda horumar doonka ahi waxay ka hadhi doonaan tartanka caalamiga ah. Sidaas darteed, taageerada Dahabshil Bank ee shirkan waa mid mudan bogaadin, isla markaana tusaale u noqon karta hay’adaha kale ee gaarka loo leeyahay.

Shirkan wuxuu Boorama ka dhigay xarun dood iyo hal-abuur, isaga oo fursad siiyey dhalinyarada, jaamacadaha iyo hay’adaha caalamiga ah in ay is-dhaafsadaan aqoon iyo waayo-aragnimo. Mustaqbalka, haddii la sii xoojiyo iskaashiga noocan ah, Somaliland waxay yeelan kartaa awood cilmi iyo hal-abuur oo kaalin muuqata ku yeelata horumarka gobolka iyo caalamkaba.

Gabagabo ahaan, taageerada Dahabshil Bank ee Data-SD2025 waa xasuusin muhiim ah oo si togan inoo hogo-tusaalaynaysa in horumarka maaliyadeed iyo kan aqooneed aanay kala maarmi karin. Waxaa la gudboon hay’adaha kale ee ganacsiga in ay ka duulaan tusaalahan Dahabshiil Bank, si loo dhiso bulsho xog-ogaal ah oo mustaqbalkeeda ku gaadha hal-abuur iyo cilmiga cusub.

     
Loading...