Colombia: Kumanaan carruur ah oo loo qorto si ay u fuliyaan Dilalka Qorshaysan iyo hawl galo kale

Sunday June 22, 2025 - 15:08:35
hadhwanaagnews
Muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha internetka ayaa muujinaya,,,



Markii senetarka Colombia ee madaxweynenimada dalkaa u tartamaya Miguel Uribe Turbay madaxa laga toogtay 7dii Juun, waxay naxdin ku noqotay beesha caalamka. Iyada oo jirtay nabad sii kordhaysa sanado badan, weerarku waxa uu dib u celiyey sannadihii ugu rabshadaha badnaa ee Colombia, markaas oo dilal qorshaysan oo kaartel ahi ay ahaayeen dhacdo caadi ah.

Toogashada Senater-ka waxa ka sii naxdin badan markii la aqoonsday qofka toogashada lagu eedeeyay oo noqday ilmo 15 jir ah.

Muuqaal si weyn loogu faafiyay baraha internetka ayaa muujinaya booliska oo xidhaya wiil dhalinyaro ah oo weji carruur ah leh iyo timo garbaha jooga, xidhanna jeans buluug ah iyo funaanad cagaaran.

Warbaahintu waxa ay sheegtay in markii la xidhayey, uu ku qaylinayey: "Waxaan u qoyskayga u sameeyay lacag.” Ka dib wuu diiday dambiga, xafiiska dacwad oogaha ayaa yidhi.

Turbay oo ku jira xaalad halis ah oo caafimaad ayaa lagu hayaa xarun caafimaad oo ku taal Bogotá tan iyo sabtidii hore. Ciidamada ayaa hadda baadigoobaya dadkii ka dambeeyay falkan,kuwaasi oo la sheegay in ay wiilka u adeegsadeen falkan.

Nasiib darro, haddii ay tani run noqoto,sheekada carruurta wiilasha ah ee ay qortaan kooxaha hubaysani waa mid aad caan ah oo dalkaa ka dhacday. Sida laga soo xigtay Xafiiska Ombudsman-ka Colombia, 409 carruur iyo dhallinyaro ah ayey qorteen kooxaha hubaysani 2024, taas oo la wariyey in ka badan 342 kiis oo arrimahan ah sanadkii 2023. Dadka maamulka haya ayaa qiraya in xogta la dhayalsaday.

Tobaneeyo sano oo iskahorimaad hubeysan iyo dembiyo abaabulan ayaa kumannaan carruur ahi dhibanayaal u ahaayeen rabshadaha Colombia. Waxay fulin jireen dilalka iyaga oo u shaqaynaya kooxaha hubaysan ee danbiileyaasha iyo kuwa daroogada.

Sanadihii la soo dhaafay, qaar badan ayaa la shaqaaleysiiyay ururada daroogada ee hadda dabar go’ay sida Medellin cartel ee uu hogaamin jiray Pablo Escobar iyo jabhadaha garabka bidix, ciidamada degaamada iyo kooxo hubaysan dambiilayaal ah.

"Carruurta aan qaan-gaadhn xitaa waxaa u adeegsan jiray ciidamada dadweynaha howlgallada qarsoon. Mid kasta oo ka mid ah qaybaha hubaysan waxay qorteen caruur aan qaan-gaadhin,” Max Yuri, oo ah maamulaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Jaamacadda Antioquia, ayaa u sheegay BBC Mundo.

Caruurta la qorto maxaa loo adeegsan jiray?

Sannadihii 1980-aadkii, dhallinyaro badan iyo kuwa aan qaan-gaadhin ayaa Escobar soo qortay si ay u fuliyaan hawl galadiisa.

"Waxa loogu yeedhi jiray mashruucaas habdhaqanka ‘Los suizos’. Dhalinyaro badan iyo kuwa aan qaan-gaadhin ayaa ku biiray hawlgallada is-miidaaminta ah,” Jorge Mantilla, oo ah khabiir ku takhasusay dambiyada iyo la-taliyaha amniga iyo isku-duwaha amniga ee Mu’asasada Ilaalinta iyo Horumarinta Joogtada ah, ayaa u sheegay BBC Mundo.

Carruurta uu qortay Escobar waxay noqdeen caan waxaana ay fuliyeen dlal qorshaysan. Mid ka mid ah kuwa ugu caansan wuxuu ahaa John Jairo Arias Tascón, oo loo yaqiin ‘Pinina,’ oo loo arkayey inuu ahaa mid ka mid ah kuwa ugu dhow Escobar.

Waxa lala xidhiidhinayaa dambiyo dhawr ah oo caan ah, sida dilkii wasiirkii cadaalada Rodrigo Lara Bonilla ee 1984; Weerarkii lagu qaaday diyaaradda Avianca Flight 203, sanadkii 1989 oo ay ku dhinteen 110 qof; iyo sidoo kale dhowr dil oo loo geystay siyaasiyiin, saxafiyiin, rayid, iyo dambiilayaal.

Pinina waxa uu ku dhimatay da’da 29 jir ka dib markii ay booliiska is rasaaseeyeen 1990-kii Medellin. Waxaa la rumeysan yahay inuu ku bilaabay dilalka isaga oo da’diisu tahay 15 jir.

Wiil kale oo 14 jir ah oo la odhan jiray Andrés Arturo Gutiérrez Maya ayaa toogtay oo dilay musharraxii madaxweyne Bernardo Jaramillo Ossa garoonka Bogotá ee El Dorado, 22-kii Maarso 1990.

Sidaas oo kale Gerardo Gutierrez, oo loo yiqiin "Yerry”, wuxuu ahaa wiil kale oo dhalinyaro ah la rumaysan yahay inuu ahaa tuhmanaha ugu weyn ee dilkii musharaxa madaxweyne ee Carlos Pizarro Leongomez 1990.

 

Sannado ka dib, Yerry waxa toogtay nin ilaalo hoggaamiyaha kooxda is-difaaca ee United Self-Defense Forces of Colombia, oo ka hawl gelaysa Colombia.

Carruurta la qortaa xagay ka yimaadaan?

Carruurta la qorto inta badan wadaagaan asal. Intooda badani waxay ka yimaadaan magaalooyinka dakhligoodu hooseeyo ama dhulalka miyiga ah ee go’doonsan halkaas oo xukuumaduhu ku leeyahay joogitaan xaddidan.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira farqi u dhexeeya qorista carruurta miyi iyo magaalada.

Markay qoranayaan carruurta aan qaan gaadhin waxa badanaa u fudud carruurta Miyiga. Carruurta magaalooyin waxay ku xidhaan xaalado dhaqaale iyo in ay horumariyaan xaaladohooda. Dhalinyaro badan oo reer miyiga ah xoog ayey ku qortaan kooxo hubaysan, haddii ay diidaan waxay dhibaateeyaan qoysaskooda.

Garsoorka Gaarka ah ee Nabadda ayaa ku qiyaasay in in ka badan 18,000 oo carruur ah ay qorteen jabhaddii hubaysnayd ee Farc intii u dhaxaysay 1996 iyo 2016, kuwaas oo markii danbe heshiis nabadeed la saxeexday dowladda.

Laakin iska horimaadyada sii socda ee u dhaxeeya ciidamada Colombia iyo kooxaha kale ee jabhada ayaa ka dhigan in dalabaadkii carruurta aanay meesha ka bixin.

Dhanka kale, hababka shaqaalaysiinta ayaa noqday kuwo aad u casri ah.

Bishii Juun 2024, BBC-da ayaa ka warbixisay sida kooxaha hubeysan ay u isticmaalayaan agabka sida TikTok si ay u gaaraan da’yarta meelaha go’doonsan ee Colombia.

Tirooyinka sii kordhaya

Warbixin uu qoray wargeyska El Tiempo ee ka soo baxa Colombia ayaa lagu sheegay in 1,953 caruur ah oo aan qaan-gaadhin la la’yahay sanadkii 2024-kii, kuwaas oo kala badh in ka badan aan wali la helin nolol iyo geeri.

Xogtan ayaa lagu saleeyay xog uu bixiyay machadka caafimaadka sharciga ee qaranka, waxaana mid ka mid ah aragtiyaha ka dambeeya waayitaanka carruurtaasi ay tahay in carruurta si qasab ah lagu askareeyay.

Carruurta ku nool gobollada saboolka ah ayaa si gaar ah u nugul.

409 ka mid ah carruurta aan qaan-gaadhin ee Xafiiska Ombudsman-ka loo aqoonsaday in la shaqaaleysiiyay, ilaa 300 ayaa laga helay Cauca, oo ah qayb dhib badan oo Colombia ka tirsan halkaas oo kookaha laga sameeyo kookeynta, taas oo noqotay goob joogto ah oo hawlgallo ciidan ah.

Goobaha kale ee ugu badan ee qorista ayaa ahaa Putumayo iyo Cauca Valley, halkaas oo xaaladaha rabshaduhu ay isku mid yihiin.

Mr Mantilla wuxuu sheegay in qaar ka mid ah xogtii dhoweyd ee muujineysay in shaqaaleysiinta qasabka ah laga yaabo inay sare u kacday 1,200% dhowrkii sano ee la soo dhaafay tan iyo masiibada.

Sare u kaca waxaa loo aaneynayaa hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid meelaha nugul ka dib faafitaanka faafa, iyo dhul balaarsiga kooxaha hubeysan, ayuu yidhi Mr Yuri. Waxa uu sidoo kale sheegay in hay’adaha dawliga ah ay ku wanaagsan yihiin dabagalka dhalinyaradan sidii ay ahaan jireen, taasoo keentay in tirada rasmiga ah ay sare u kacdo.

"Carruur qorista ayaa suurtagal noqotay sababta oo ah jiritaanka carruur aan la ilaalin, la dayacay oo la takooro, iyo daldaloolo sharci ah oo ka jira nidaamka cadaaladda Colombia,” ayuu yidhi Mr Mantilla.

     
Loading...