Daahfurka rasmiga ah ee labada tallaal ee muhiimka ah, Oof-wareenka (Pneumococcal) iyo Shubanka (Rotavirus) ayaa ah tallaabo taariikhi ah oo ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland ay ka gaadhay dhinaca daryeelka caafimaadka carruurta tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1991-kii.
Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa 19-kii bishan September 2025, si rasmi ah u shaaciyey hirgelinta tallaalladan cusub, isaga oo si geesinimo leh isagu tallaalkaas ugu bilaabay ilmihii ugu horreeya ee la tallaalo, taasoo muujinaysa niyad-samida iyo ka-go’naanta wasaaraddu u leedahay horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka.
Munaasabaddan taariikhiga ah oo ka dhacday magaalada Hargeysa, waxay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka tirsan wasaaradda, hay’adaha caalamiga ah ee la shaqeeya dowladda, iyo marti sharaf kale oo muujinaysay taageerada ballaadhan ee arrintani leedahay gudaha iyo dibaddaba.
Tallaallada la daahfuray ayaa ah kuwo si weyn loogu tijaabiyey caalamka, kana qeyb qaatay badbaadinta malaayiin carruur ah. Cudurrada Oof-wareenka iyo Shubanka waa laba ka mid ah sababaha ugu badan ee dhimashada iyo dhaawaca caafimaad ee carruurta da’doodu ka yar tahay shan sanno, gaar ahaan waddamada soo koraya. Sidaas darteed, in tallaalladan lagu daro jadwalka tallaalka qaran ee Somaliland waxay horseedaysaa isbeddel dhab ah oo dhinaca badbaadinta carruurta ah.
Wasiirka waxa uu sidoo kale si cad u muujiyey in tallaaladan muhiimka la gaadhsiin doono guud ahaan deegaannada Somaliland iyo dhammaan bulshada, iyadoo kooxaha tallaalka loo dirayo guryaha, goobaha ganacsiga iyo xarumaha waxbarasho. Tani waa aragti caafimaad oo ku dhisan sinnaanta iyo ilaalinta xuquuqda carruurta dhammaan deegaanada Somaliland, meel kasta oo ay joogaan.
Tallaabadan cusub waxay u baahan tahay in la taageero oo si mug leh loogu dhiirigeliyo wasaaradda caafimaadka, isla markaana la xoojiyo, lagana dhigo mid waarta. Maaha kaliya guul ay si gaar ah u leedahay Wasaaradda caafimaadku, balse waa guul qaran oo laga wada faa’iidaysanayo. Waa in waalidiintu fahmaan muhiimadda ay tallaalkani u leeyihiin nolosha ubadkooda, waxaana habboon in la sameeyo wacyigelin ballaadhan oo bulshada lagu gaadhsiiyo xaqiiqooyinka la xidhiidha fayadhowrka, tallaalka, iyo ka hortagga cudurrada.
Ugu dambeyn, daahfurka tallaalladan cusub waa calaamad muujinaysa biseylka siyaasadda caafimaadka ee Somaliland, iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mustaqbalka jiilka soo koraya. Waa tusaale fiican oo muujinaya in Somaliland ay si taariikhi ah u gaadhi karto guulo waaeyny oo dhinaca horumarka ah, haddii la helo hogaamin daacad ah, dad karti leh, iyo wada-shaqeyn dhab ah oo dhexmarta dowladda, bulshada iyo saaxiibada caalamiga ah.