Hay’adda Hawl-gabka iyo Xaqsiinta Shaqaalaha Dowladda Somaliland ayaa muujisay dedaal xooggan oo ku aaddan horumarinta iyo xoojinta fulinta adeegyada muhiimka ah ee loo fidiyo shaqaalaha hawlgabka ah. Shirkii ugu dambeeyey ee Guddida Sare ee Hay’adda ayaa lagu ansixiyey qorshayaal cusub oo wax ka taraya daryeelka shaqaalaha hawlgabka ah, iyadoo la waafajiyay baahiyaha hay’adda qaranka iyo qorshayaasha sanadlaha ah.
Shirkan oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka, waxa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda, sida Wasiirrada Shaqada, Qorsheynta, Diinta iyo Awqaafta, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha iyo, waxaana si cad loogaga hadlay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada la xidhiidha xaqsiinta iyo taageerada hawlgabka.
Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ahaa:
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Hawl-gabka, Mudane Saleebaan Maygaag iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, Mudane Cabdicasiis Xirsi, ayaa ka hadlay muhiimadda iyo himilooyinka ka dambeeya kulankan, iyagoo ku adkeystay sida ay xukuumaddu uga go’an tahay in la sii xoojiyo nidaamka daryeelka shaqaalaha dawladda, gaar ahaan kuwa hawlgabka ah ee mudan in si sharaf leh loo maamuuso.
Shirkan ayaa calaamad u ah dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo adeegyada hawlgabka iyo horumarinta hay’adda, taas oo horseedi doonta in shaqaalaha hawlgabka ah ay helaan adeegyo tayo leh oo waafaqsan baahidooda iyo shuruudaha casriga ah.