Weftiga ka socday Baanka dhexe ee Somaliland oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Xamse Cabdiraxmaan Khayre,ayaa madaxda Caymiska dhigaalka iyo maaliyadda ee dalalka Nigeria, South Africa, Kenya, Ghana, Namibia,Turkey-ga Taiwan la yeeshay shirar muhiim ah oo lagaga wada iskaashiga dhigaalka maaliyadeed iyo baananka ee Somaliland iyo 7 dal ay iska kaashan karaan waxaanay weftiga Somaliland madaxda 7 dal ee ay shirarka wada yeesheen ay isla qaateen wada ka wada shaqaynta arrimaha caymiska iyo dhigaalka maaliyadeed iyo horuarinta baananka.
Geesta kale Weftiga ka socday Baanka dhexe ee Somaliland ayaa magaalada Mambasak aga qayb galay shirweynaha caalamiga ah ee Gudida Gobolka Afrika IADIARC 2025 (Africa Regional Committee AGM & Conference) oo ka qabsoomay Mombasa, Kenya,
Shirkaas oo uu soo qabanqaabiyay (International Association of Deposit Insurers (IADI) iyo Kenya Deposit Insurance Corporation (KDIC), ayay ujeedadiisu daarnayd
Xoojinta nidaamyada loo maro xallinta Culaysyada maaliyadeed ee ku iman kara bangiyada iyo ilaalinta kalsoonida macaamiisha.
kulankaas waxaa lagu gorfeeyey sidii loo dhaqan gelin lahaa strategy- iyo qorshayaal(strategy-) maaliyadeed oo lagu daweyn karo khataraha ku iman kara dhigaalka bangiyada iyo sidii kor loogu qaadi lahaa loona kobcin lahaa kalsoonida dadweynaha
Geesta kale,Weftiga uu hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka baanka dhexe ee Somaliland Xamse Cabdiraxmaan Khayre ayaa kulan midho dhal ah la yeeshay Marwo Yvonne Fan, Gudoomiye Ku-Xigeenka CDIC oo ah hay’adda Caymiska dhigaalka ee dalka Taiwan sidoo kale ahna Xubin ka tirsan Golaha Sare ee IADI oo ay u qaabilsan tahay Guddiga lafo-gurka ee IADI.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha iskaashiga ee dhismaha Qaybta Caymiska Dhigaalka ee Bangiga Dhexe Somaliland taas oo is-afgarad wayn ay ka gaadheen.
Kulankaas ayaa ahaa bilow wanaagsan oo u bilaabaya Hay’adaha Dhinaca Maaliyadda ee labada dal ee mataanaha ah ee Jamhuuriyada Somaliland Taiwan.
Weftiga ka socday Baanka dhexe ee Somaliland oo uu hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre waxaana socdaalka ku wehelinayay.Mudane Maxamed Cabdilaahi Cali (Agaasimaha Qaybta Korjoogtaynta Hay’adaha Maaliyadeed), Mudane Abshir Cabdi Maxamed ( Agaasimaha Qaybta Siyaasadda Lacagata Baanka Somaliland) La-taliye sare ee Baanka Mudane : Maxamuud.