Xildhibaan Cumar Nuur Xasan (Waaye) oo ka mid ah mudanayasha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo waraysi gaar ah siinayay Wargeyska Dawladda ee Dawan ayaa bogaadiyay safarka madaxwaynaha ee Kenya, waxaanu ku tilmaamay furista safaaradda Somaliland ee Kenya Ictiraaf ay dawladda Kenya aqoosatay Somaliland, maadaama calankii dalku ka dul babanayo dawladaha caalamka.
Xildhibaan Cumar Nuur Xasan (Waaye) waxa kale oo uu tilmaamay in Somaliland ay maanta qaadday tallaabadii ugu weynayd oo guul siyaasadeed lagu gaadhay, taas oo saamayn weyn ku leh qaddiyadda aqoonsigeena, arrintaas oo uu sheegay in madaxweynaha Somaliland hormood ugu yahay qarankiisa.
Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Dawladnimadeenii waad aragtaan oo calankii Somaliland dawlado kale ayuu ka dul babanayaa, waa markii ugu horraysay ee calankaSomaliland dawlad kale dusheeda la sudho, waa kaa maanta ka taagan Nayroobi, waxa calanka dusha loo saaray waa Ictiraaf, dad baa wax kale ku sheeg sheegaya, waa Ictiraafkii oo kow ah, dawladii koowaad ee ina Ictiraafta weeye, dhakhsana waxa aynu u arki doonaa Insha allahu calankeena oo ka taagan dawlado kale.”
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Somaliland ay ku naaloonayso nabadgelyo, sidoo kalena la qaaday tallaabooyin waawayn oo masiiri ah, waxaanu yidhi "Ictiraafkii waa kaa muuqda, dalkeeniina waa nabadgelyo, dadkana waxaan ugu baaqayaa cid waliba ha ogaato in aynu qaadnay tallaabadii ugu horraysay ee guusha. Madaxweynaha Somaliland na waan bogaadinayaa, ILLAAHAY guuleeyo arrintaas isaga ayaa hormood inoogu ah, waan u ducaynayaa, nabaddii ayuu hormoodka inoogu yahay, Ictiraafkii ayuu hormood inoogu yahay, waa kaas dhaliyay guushii ugu horraysay, waan u ducaynayaa ALLAHAY ha guuleeyo,caafimaadkana ha u siyaadiyo”.
Geesta kale xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye waxa uu bogaadiyay beelaha walaalaha ah ee ku wada nool deegaanka Ceel Af-wayn, isaga oo ku ammaanay sida ay u sii amba-qaadeen nabadii salka loo xidhay iyo sida ay u soo celiyeen wada noolashiyihii iyo walaaltinimadii dhex taallay. waxaanu yidhi " Dalka Nabad baa ka jirta, wixii colaad ka soconayay maanta meel walba nabad bay ku fadhidaa, halkan waxaan hambalyo uga dirayaa dadka deegaanka Ceel-afweyn oo maanta ka dhabeeyay nabaddii la xidhay, colaadiina joojiyay, nabaddii Ceel Af-wayn maanta halkii ugu wanaagsanayd ayay maraysaa.
Beelaha halkaa yaalla ee dhibku kala gaadhay iyo colaada muddada badan soconaysay aad iyo aad baan u hambalyaynayaa, arrinkooda sida ay maanta iyaga oo aan cidina ku dhex jirin ay u wadaan ee ay go’aamada culculus uga gaadhayaan ee walaaltinimadii, wada noolaashiyihii iyo wada dhalashadii dhex taallay ay halkoodii ku soo celiyeen oo maanta iyagii wada arrinsanayaan, waxaan leeyahay ILLAAHAY ha idin guuleeyo, nabadda ALLAH ha idiin adkeeyo”.
Gebo-gabadii Xildhibaan Cumar Nur Xasan Waaye ayaa sheegay in Soomaaliya aan hadal uga furnayn arrimaha Somaliland, waxaanu ugu baaqay in ay hagaajistaan dhulkooda shisheeyuhu ku ilaaliyo oo ay tooda dhistaan inta ay Somaliland oo dawladnimadeedii gacanta ku haysa ay ku mashquulsan yihiin.