Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Canada, Denmark, Sweden,
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Khadar Hussein Loogge, oo faahfaahiyey kulankii maanta dhex maray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kiiniya ayaa sheegay in Madaxweyne Cirro uu Madaxweyne Ruto u gudbiyey dalab warqad uu kaga dalbanaayo inuu aqoonsado Somaliland.
Wasiirka Madaxtooyada Mudane Khadar Loogge, ayaa arrintan u sheegay waraysi uu siiyey Talefeeshanka MM TV, waxaana uu sidoo kale sheegay inay kulamo tiro badan ay la qaateen wadamada caalamka, Baanka Aduunka, iyo weli ba Bangiga horumarinta Afrika. Isaga oo ugu horreyn arrimahaas ka hadlaaya wuxu yidhi:
"Waxa aanu u nimi kulamo fara badan oo aanu la yeelanay beesha caalamka, shalay waxa aanu la kulanay wakiilonla socday qaramada midoobay, waxa aan la kulanay wakiilo ka socda wadamada Ingiriiska,
Mareykanka, Faransiiska, Jarmalka, Canada, Denmark, Sweden, iyo weli ba wadamo fara badan oo Somaliland ka caawiya xagga deeqaha, waxa kale oo aanu la kulanay Baanka Aduunka, iyo Bangiga horumarinta Afrika, markaa runtii hawlgal weyn oo aanu halkan u nimi oo shaqooyin badan ay noo qabsoomeen”.
Wasiir Khadar Hussein Loogge, wuxu sidoo kale sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha Kiiniya oo ay ka wada hadleen sidii duulimaadyo toos ah ay u samayn lahaayeen magaalooyinka Hargeysa iyo Nayroobi, waxaana uu yidhi. "Waxa farxad noo ah in aanu saaka la kulanay Madaxweynaha Kenya, run ahaantii na kulamadaas oo dhana waxay ku soo dhammaadeen isfaham ah mawaadiicdii laga wada hadlay oo ay ugu horreyso in la abuuro duulimaadyo toos ah oo u dhaxeeya Hargeysa iyo Nayroobi.”.
Wasiiku, wuxu sidoo kale yidhi: "Sidoo kale, Madaxweynahu wuxu Madaxweynaha Kenya guddoonsiiyey warqad rasmi ah oo uu kaga aqoonsanaayo in dawladda Kenya ay aqoonsato dawladda Somaliland. Sida aad la socotaan Madaxweynahu 18kii May wuxu qoray ambiil caalami ah oo uu u qoray 196 wadan oo ah wadamada xubnaha ka ah qaramada midoobay, Madaxweynaha Kiiniya na wuxu noqday Madaxweynahii ugu horreeyey ee Madaxweynahu fursad u helo inuu isagu warqaddaas gacanta ka geliyo. Warqaddaas na waxa ku dhan dooda Somaliland, aqoonsi raadinta, sharciyadda ay ku fadhido, taariikhda ay lee dahay iyo nuxurka doodeenu ku fadhido ba”.