Madaxweynaha JSL oo Caalamka Ugu Baaqay Tixgelinta Ka-faa'iidaysiga Waayo-aragnimada Somaliland

Thursday May 22, 2025 - 13:08:28
hadhwaangnews
Madaxweynaha waxa uu iftiimiyay in Waayo-aragnimada iyo Khibradda



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa si geesinimo leh uga dalbaday beesha caalamka iyo dalalka deriska ah inay tix-geliyaan ka faa’iidaysiga waayo-aragnimada qaniga ah ee Somaliland u leedahay dhismaha dawladnimada iyo nabadaynta, taas oo ay dunidu ka baran karto casharro wax ka tari-kara dhismaha dalalaka burburay ee gobolka.


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa farriin diblumaasiyadeed oo mug weyn u diray beesha caalamka, isaga oo ka faa’iidaysanayay khudbadiisii uu ka jeediyay xuska 18-ka, taas oo uu ku iftiimiyay in ay Somaliland tahay waayo-arag iyo tusaale lagu dhisi karo xalalka dalalka ku jira burburka iyo colaadaha ee ka soo kabanaya rafaadka siyaasadeed.


 

Madaxweynaha waxa uu iftiimiyay in Waayo-aragnimada iyo Khibradda Somaliland, ay wax weyn ka tari-karto xal u helidda dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya iyo dalal kale oo burburay. Waxaanu uu yidhi "Waxaannu xogogaal u nahay waxa ka khaldamay dawladnimada Soomaaliya, waxaanu leenay waayo-aragnimo aanu ku caawinno sidii ay dawladnimo sax ah u dhisan lahaayeen.”


 

 

Madaxweynaha Madaxweyne Somaliland waxa uu si cad u muujinayaa sida uu dalkiisu ugu hanweyn yahay dedaalka uu ugu jiro aqoonsi caalami ah, iyo kaalinta uu doonayo inuu ka qaato dib-u-dhiska iyo nabadaynta dalalka burburay ee gobolka, gaar ahaan Soomaaliya.


 

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa beesha caalamka si cad ugu sheegay in aanay jirin xeerar iyo curfi caalami ah oo Somaliland u diidaya in la aqoonsado, isla markaana ay taagan tahay wakhtigii ku habboonaa in ay hesha aqoonsiga ay xaqa u leedahay.


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxa kale oo uu dunida u iftiimayay in la gaadhay wakhtigii xaqooda la siin lahaa ummadda reer Somalialnd oo qaranimadeeda ku dhistay dhiig, halgan iyo himilo fog, sidoo kalena waxa uu caddeeyay in Somaliland ay gaadhay horumar ku dhisan dawladnimo dimuqraadi ah oo ku naaloonaysa Xorriyadda, Xasiloonida, iyo Himilada Mustaqbalkeeda, taas oo ay dadkeedu u hureen naf, maal, iyo maskax.


 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in horumarka ay Somaliland gaadhay uu ka dhashay halgan nololeed oo ummadda Somaliland ay iskood u wadeen muddo ku siman 34 sannadood. Wuxuu xusay in ay jiraan fursado weyn oo lagu xoojin karo iskaashi goboleed, laga bilaabo amniga illaa ganacsiga, taas oo muujinaysa in Somaliland diyaar u tahay in ay si buuxda uga mid noqoto beesha caalamka haddii fursaddaas la siiyo.


 

Waxa kale oo uu si gaar ah diirradda u saaray awoodda dhalinyarada iyo doorka haweenka oo ah laf-dhabarta horumarka mustaqbalka, isaga oo si geesinimo leh u sheegay in horumarka dhabta ahi aanu iman karin haddii qaybaha bulshada qaarkood laga tago.


 

Isagoo ka hadlayay mowqifka Somaliland ee ku aaddan aqoonsiga caalamiga ah, Madaxweyne Cirro wuxuu carrabka ku dhuftay in Jamhuuriyadda Somaliland u qalanto aqoonsi buuxa, "Ma jiraan xeerar iyo curfi caalami ah oo diidaya in Somaliland ay ka mid noqoto waddamada la aqoonsaday ee dunida.”


 

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland tahay qaran lagu dhisay halgan, dhiig iyo dadaal, taas oo ka dhigan in ay leedahay taariikh qaranimo oo ku salaysan rabitaanka shacabka. "Waxaynu isugu soo baxnay in aynu dunida u sheegno in qarankani uu ku dhisanyahay dhiigga halgamayaasha kala dambeeyay ee gobanimo doonka ahaa”


 

Dhanka horumarka, Madaxweynaha wuxuu tilmaamay in Somaliland dhistay dhaqaale koraya iyo kaabayaal muhiim ah, kuwaas oo saldhig u ah kobaca dalka. Wuxuu caddeeyey in Somaliland si buuxda u maamusho khayraadkeeda dabiiciga ah, ayna jirto diyaar garow lagu doonayo in laga faa’iideeyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah. "Dhulkayaga istaraatiijiga ah, baddayada, hawadayada iyo khayraadka dabiiciga ah annaga ayaa gacanta ku hayna.”


 

Ugu dambayn, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay ka shaqaynayso xoojinta dimuqraadiyadda, difaaca madaxbannaanida iyo dhismaha qaran adag, si ubadka mustaqbalka loo dhaxalsiiya qaran ku dhisan midnimo iyo kalsooni qaranimo, waxaanu yidhi "Waxaanu sees adag u dhigi doonaa difaaca qarannimadeena iyo in aynu ubadkeena dhaxal uga dhigno qaran dhidibo adag ku taagan.”


 

Xuska 18-ka May ee sannadkan ma ahayn oo kaliya munaasabad taariikhi ah. Waxay ahayd mar kale oo Somaliland codkeeda u dirtay dunida, iyadoo leh: "Nabad iyo horumar ayaan ku dooneynaa aqoonsi : xaq baannu u leenahay, diyaar ayaannuna u nahay.”


 

Himilada Siyaasadeed ee Madaxweynaha Somaliland:

 

Dhismaha Qaraka Somaliland

 

Madaxweyne Cirro wuxuu ballan qaaday in xukuumaddiisu ku dedaali doonto:

 

Xoojinta dimuqraadiyadda

Difaaca madax-bannaanida

Dhismaha qaran adkaysi leh oo ay ubadka mustaqbalku ku dhaxlaan midnimo iyo kalsooni

Doorka Gobolka iyo Iskaashiga Geeska Afrika

 

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale muujiyay in Somaliland diyaar u tahay inay kaalin macno leh ka qaadato arrimaha gobolka sida:

 

Amniga Geeska Afrika

Iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi

Wada shaqeynta istiraatiijiga ah ee gobolka

 

Dhalinyarada iyo Haweenka: Laf-Dhabarta Mustaqbalka

 

Madaxweyne Cirro wuxuu si xooggan u dhiirrigeliyay dhalinyarada iyo haweenka, isaga oo carrabka ku adkeeyay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay:

 

Horumarinta xirfadaha haweenka

Xoojinta ka qaybgalka dhalinyarada

Ka hortagga qabyaaladda, taageeridda hal-abuurka, iyo kobcinta aqoonta siyaasadeed iyo dhaqaalaha.

     
Loading...