Guusha ugu weyn ee aan nolosheena ka gaari karno waa in aan si deggan uga tagno wax kasta oo na dhaawaca, kuna yeesha saameyn xun oo nafsi ah Nafaheenna. Waa in aan ka fogaanno wax kasta oo tamarteena nuuga, dulqaadkeenana si tartiib ah u dhammeeya.
Waa in aan si xasilloon uga tagno cid kasta oo aan u hibeynay jacayl iyo naf-hurnimo, balse aanan u qalmin oo aanan garan qiimaha ay leedahay wax-wadaagga nadiifka ah.
Xusuusta aanu wadaagnay ha u harto iyaga, waayo xusuustaas ayaa ku filan in ay xasuusiso wixii ay lumiyeen marka ay la macaamilaan dad kale oo aan sidaan ahayn. Annaga, waxaan dib u helaynaa nafteena — naftii aan illownay oo aan iska dayacnay. Iyagana waxay heli doonaan kuwa la jaanqaada oo la mid ah.
In aan nafteena dooranno, oo aan qiimeyno, waa hadiyadda ugu sarreysa ee aan siin karno nafaheenna.
W/Q/Usama Hassan Muhammad
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!