1-bar caruurtaada Qur,aanka,Qur,aanku wuxuu barayaa wax walba.
2-maalin maalmaha ka mida ayaa indhahaaga la xidhi doonaa Allah maalintaa hanoo danbi dhaafo.
3-wax ka wayni ma jiro oo ka qaymo badan in Allah kaa raali noqdo adi adduunka jooga oo uu ku jeclaado.
4-marka aynu hagaajino xidhiidh aan Allah la leenahay wax kasta waa ay hagaagayaan.
5-markasta oo adduunku kugu cidhiidh noqdo caawi qof aanad garanayn.
5-hadaad ogaan lahayd sida uu Allah u hagaajinayo qalbigaaga wax kasta waad ka jeclaan lahayd.
6- Allah hayna siiyo wax kasta oo aan jecel nahay oo haynaga hayo wax kasta oo aan necebnahay.
7-Allahayoow hanoo qaban waxa ay naga leeyihiin oo noo dhaaf waxa ayna ogayn oo khayr ka dhig waxa ay naga Malaynayaan.
8-ha aaminin in aad wanaagsantahay ogow waxa tahay mid Allah asturay.
9- ku sugnow iimaanka ilaa marka aad maraso Nolasha teeda adag.
10-ogow in caafimaadku wakhti dheer qaadanayo noqo mid samir badan.
11-Kalinimadu waa awood marka aad og tahay
In Allah kula jiro.
12- u noqo Allah wax kasta waa ay Kuusoo noqonayaan.
13-ku carfi afkaaga Saliga NABIGA scw.
Waxaad nagala socon kartaa Filasho page
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!