Waxa jira dhawr hayadood oo madax banaan kuwaas oo qiimeeya tayada iyo kalasaraynta jaamacadaha dunida (World University Ranking) kuwa ugu caansan waxa kamid Times higher Education, QS world university Rankings iyo the academic ranking of world universities.
Midkastaana wuxuu isticmaalaa cabiro iyo halbeegyo kala duwan.
Aynu tusaale usoo qaadano qaarkamid ah hayadaha qiimeeya jaamcaduhu cabir noocma ah ayay isticmaalaan.
1.) QS World University Rankings
Inta badan qiimaynta cabirkoodu waxay ku wareegtaa meelahan:-
-Cilmi baadhista (Research)
- dhigista (Teaching)
- deegaanka wax lagu dhiganayo (Teaching Environment)
- (Employability)
- Caalaminimada jaamacada ( Internationalization) tirada ardeyda ajaanibta ee dhigata, tirada macalimiinta ee wadamo kala duwan ka yimid.
Si ay jaamacadu uga mid noqoto kuwa la qiimaynayo waa inay dhigtaa heerka koobaad iyo kalabaadba (undergraduate and postgraduate).
Jaamacadu ugu yaraan faculties keedu waa inay ka koobnaadaan( arts and humanities, engineering and technology, social science and management iyo culuumta caafimaadka).
Lixda qodob ee ugu waaweyn ee ay jaamacadaha ku qiimeeyaan waa kuwan:
1. Academic reputation 40%
2. Employer reputation 10%
3. Student- to-faculty ratio 20%
4. Research Citations per faculty member 20%
5. Proportion of International faculty 5%
6. Proportion of International Students 5%
2.) Times higher education
Waa hayad kale oo
qiimeyn ku samaysa jaamacadaha waxay qiimeeyaan waaxyaha (Departments) ka kala
duwan ee jaamacada iyo guud ahaan jaamacadaba.
Waxay adeegsadaan
halbeegyo iyo habraacyo lagu cabiraayo heerka tayada waxbarashada taas oo ay
samaynayaan koox aqoonyahana ah oo takhasusaad kala duwan leh.
Waxay qaateen shantan cabir (Indicator):
1. Teaching (the learning environment)
2. Research ( Volume, income and reputation
3. Citations( jaamacadani cilmi baadhis ay samaysay mala xigtay, yaa xigtay, imisajeer baa la xigtay)
4. International Outlook(tirada ardeyda iyo macalimiinta ee kasoo jeeda wadamo kala duwan)
5. Industry Income (knowledge transfer) aqoon cusub ama mid jirtay intee le eg ayay jaamacadu wareejisay si cidkale uga faaiideysato.
Xasuusin ma arkin welina ma helin cabirada ay isticmaaleen gudida tacliinta sare ee Somaliland!
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!