Xayiraadda Bariiska Ee Hindiya Sidee U Saamayn Kartaa Dunida?

Friday August 04, 2023 - 09:30:51
Hadhwanaag
''Qiima-dhaca lacagaha ayaa keenay in uu kordho kharashka wax soo dejinta''



Maxaa dhacaya marka Hindiya ay mamnuucdo nooca cunto ee muhiimka u ah balaayiinka qof ee ku kala nool adduunka oo dhan?

 

20kii July, Hindiya waxay mamnuucday dhoofinta bariiska cad ee aan Basmati-ga ahayn, iyaga oo isku dayaya in ay xal ka gaadhaan oo dejiyaan sicir bararka sarreeya ee dalkaas ka taagan.

 

Tallaabadan ayaa daba socotay markii ay soo baxeen warbixinno iyo muuqaallo ku saabsan iibsashada argagaxa ku dhisan ee lagu yaacay goobihii bariiska gadi jirey, gaar ahaan meheradahii Hindida ee ku yaallay Mareykanka iyo Canada, taasoo kor u qaadeysa qiimihii maciishaddan.

 

Waxaa jira kumanaan nooc oo bariis ah oo la beero isla mar ahaantaana la quuto, laakiin afar nooc oo caan ah ayaa lagu kala iibsadaa adduunka oo dhan.

 

Bariiska caatada ah dhaadheer ee Indica, bariiskan ayaa hela ganacsiga ugu badan ee caalamka, halka inta soo hartay ay ka kooban yihiin bariisyada udugga caanka ku ah, sida basmati; Japonica, iyo bariiska dhuudhuuban oo dhegdhegga leh, oo loo isticmaalo macmacaanka.

 

Hindiya ayaa ah dalka ugu horeeya adduunka marka ay noqoto dhoofinka bariiska adduunka, iyada oo qiyaastii 40% ka ah ganacsiga caalamiga ah ee cuntada loo yaqaan firileyda. (Thailand, Vietnam, Pakistan iyo Mareykanka ayaa ah kuwa kale ee ugu sarreeya dhinac dhoofinta).

Dadka sida weyn u iibsada bariiska waxaa ka mid ah Shiinaha, Filibiin iyo Nigeria. Waxaa jira sidaa oo kale waddammo xilliyo gaar ah iibsida sida Indonesia iyo Bangladesh kuwaas oo kor u qaada soo dejinta marka ay haysato gabaabsi dhanka sahayda gudaha ahi.

 

Isticmaalka bariiska ayaa ah mid aad u sarreeya oo sidaasoo kalena ku soo baahaya qaaradaha ay ka mid tahay Afrika. Wadamada sida Cuba iyo Panama waxa uu yahay iyagana ishooda ugu weyn tamarta.

 

Sannadkii hore, Hindiya waxa ay u dhoofisay 22 milyan oo tan oo bariis ah 140 waddan. Xilligaas, lix milyan oo tan ayaa ahaa kuwo ka jabnaa bariiska cad ee Indica dhanka sicirka. (Qiyaastii ganacsiga caalamiga ah ee bariiska wuxuu gaadhaa 56 milyan oo tan).

Bariiska cad ee Indica ayaa ku badan 70% ganacsiga caalamiga ah, Hindiyana hadda way joojisay dhoofintiisa. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo sanadkii hore dalka laga mamnuucay dhoofinta bariiska jajaban iyo canshuur dhan 20% oo laga qaadayo dhoofinta bariiska aan Basmati-ga ahayn.

 

La yaab ma leh, mamnuucida dhoofintani, bisha July waxaa cirka isku shareeray welwelka ku saabsan qiimaha bariiska adduunka oo kor u sii kacayey. Madaxa dhaqaalaha ee IMF Pierre-Olivier Gourinchas ayaa sheegtay in mamnuuciddani ay sare u qaadi doonto qiimaha iyada oo dhanka kalena badarka caalamiga ahi sicirkiisu uu kor u kici doono illaa 15% sanadkan.

 

Sidoo kale, mamnuucidda dhoofinta Hindiya ma iman waqti gaar ah, sida ay sheegtay Shirley Mustafa, oo ah falanqeeye suuqa bariiska oo ka tirsan hay'adda cunnada iyo beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).

 

Mid ka mid ah, qiimaha bariiska adduunka ayaa si joogto ah kor ugu kacayay tan iyo horraantii 2022, iyada oo uu kordhay 14% tan iyo bishii June ee la soo dhaafay.

 

Cimilada sii xumaanaysa ee Koonfurta Aasiya - roobabka monsoon-ka ee Hindiya iyo daadadka Pakistan - ayaa saameeyay saadka. Qiimaha bariiska ee kolka ay tahay beerashada ayaa sare u kacay sababtoo ah qiimaha bacriminta ayaa iyana sare u kacday.

 

Qiima-dhaca lacagaha ayaa keenay in uu kordho kharashka wax soo dejinta ee wadamo badan, halka sicir bararka sare uu kor u qaaday kharashka amaahda ganacsiga.

 

Khabiirrada cuntada ayaa shegaya in arrintani aanay cusbayn. Tan iyo sannadkii tegey markii Ruushkuu weeraray Ukraine, tiro waddamo ayaa xayiraad ku soo rogay cunnooyinkii ay dhoofin jireen, taas oo meelo badan ka abuurtay in qiimaha maciishaddu kor u kaco. Indonesia waxa ay joojisay saliidda geed timireedka, Argentina waxa ay joojisay dhoofinta hilibkii lo’da halka ay Turkiga iyo Kyrgyzstan ay iyana joojiyeen qaybo ka mid ah waxyaabihii laga samayn jirey qamadiga.

 

Sido oo kale bilihii ugu horreeyey ee Covid-ka waddamo badan oo gaadhaya 21 ayaa joojiyey in ay adduunka kale gaadhsiiyaan wax soo-saarkooda.

 

Dhanka kale khabiirrada ku sugan Hindiya ayaa sheegaya in xayiraaddani ay keenayso halis weyn. Waxaana ay dhab ahaan ‘ keeni dooni doontaa in uu si degdeg oo aad u sarraysa uu u kaco qiimaha bariiska cadi’ taas oo xaalad hubanti la’aan cunto galin karta qaar badan oo ka mid ah waddamada Afrika.

 

Gulati iyo Raya Das oo ka tirsan Golaha Hindida ee Cilmi-baadhista ee Xidhiidhka Dhaqaalaha Caalamiga ah (Icrier), oo ah xarun cilmi-baadhiseed oo fadhigeedu yahay Delhi.

 

Waxay aaminsan yihiin in si India ay lagama maarmaan tahay in ay "masuuliyad muujiso” oo ka fogaato mamnuucida ku timid sida lama filaanka ah.

 

Waxaana ay sii raaciyeen in arrintani dhaawaca ugu weyn Hindiya gaadhsiin doonto ka dhigayso, wax soo-saare aan la isku hallayn Karin.

 

BBC

     
Loading...