Somaalidu waxay ku maahmaahdaa ' WAXAAD QARSATAA WAY KU QARSADAAN'. Tayada waxbarashada soomaalidu Somaliland iyo Somalia ba intay cirka kasoo dhacday bay dhulka kusoo dhacday. Masaajidu malaa isuma qabaan inay kuwa ugu muhiimsan yihiin ( institutions) ee weliba khudbadaa jimcuhu yihiin baraarujinta cibaadada bulshada aqoon diimeed iyo fikir saliima kor u qaadida iyo dhibaatooyinka waxbarashada ka jira kama hadlaan. Dhibaatada weyn ee Jaamacadaheena ka jirtaa Waa Heerka Barashashada Seddexda Luqadood Ee Wadankeena Ugu Muhiimsan Oo Illaa Xad Aad U Hooseeya Kaasoo Dhaawac Weyn Ku Haya Ardaydaydeena Jaamadaa Kasoo Baxaya. Macalimiin Tayo Leh Wadankeena Iyo Jaamacadaheen Way Joogaan Laakiin Dhibtu Meel Kalay Ka Jirtaa Oo In Dhab La Isu Dul Taago U Baahan Waxna Laga Qabto.
Markaynu dib u eegno abuuritaankii dunida iyo QURAANKA waxaad ogaanaysaa markuu Allah Nebi Adam(Cs) Abuuray Inuu Luqadaana Abuuray Oo Suaashii Ay Malaaiigtu Allah Weydiisay Ee Ahayd Maxaad Adam Ama Adamaha U Abuuraysaa, Allah Wuxuu Ugu Jawaabay Waxaydaan Ogay Baan Oday. Maalinkaasay Luqadaha Uu Allah Abuuray. Luqaduhu Waxay Ugu Muhiisan Yihiin Waxa Allah Ku Kareemeeyey Binu Adamka. Hadalka (Communcation) Wuxuu Ugu Muhiimsanyey Horuumarka Nolosha Adduunka.
Wadakeena Marka Waxbarasha Xaggeeda Loo Soo Jeesto Waxaa Ugu Muhiimsan Seddex Luqadood Waa Afsoomaali. Afcarabi Iyo Afingiriisi. Haddii Maanta ( Comission)Ka Tacliinta Jiro Oo Uu Imtixaan Seddexdaa Luqadood Ah Ka Qaado Ardayda Jaamacadaa Somaliland Iyo Somalia Ka Soo Baxda Ka Qaado 85% Ayaa Ku Dhici Doona. Sidaana Wadanka Iyo Debedaaba Si Cilmi Ugama Shaqayn Karaan, Imtixaanada Somaliland Lagu Qaado Jamacadaa Dhibaato Weyn Baa Ka Jirta Oon Macalimiintu Wax Shaqo Ah Ku Lahayn Laakiin Dhibta Wey Ogyihiin. Dhibtanu Afsoomaaliga Xagga Guriga Hooyo Iyo Dugsiyada Hoose Ayey Kasoo Bilaabantaa. Xagga Afcarabiga Iyo Ingiriisiga Waxay Ka Jirtaa Xagga Jaamacadaha Iyo Goobaha Kalee Tacliinta Sare Lagu Dhigto. Suaashu Waa Siday Uga Jirtaa?.
Jaamacada heenan waa wada (private) Yagleela Oo (Service) Lagu Iibiyo. Mulkiilayaasha Waxaa Qaaliba In Ay Macmiil Joogto Ah Rabaan Oo Maal Ka Helaan. Macmiishuna Waa Inay Shahaadad Helaan Oo Imtixaanka Qasab Lagu Baasgareysiiyo Maclimiintu Waa Shaqaale Aan Eedda Lahayn Laakiin Eeddii Waxaa Leh Mulkiilayaasha Iyo Wasaaradda Waxbarashada Oo Iyadu Shaqadeedii Gabtay Oo Aan Jaamadaa Taydooda Ilaalin Iyo Imtixaanada Lagaga Qalin Jebinaya Jaamadaa.
Dhibtan Waxyaalaha Lagaga Gubi Karo Waxaa Ka In La Aasaaso Urur Ka Kooban Seddex Guddi Oo Kala Ah Jaamacadaa , Wasaaradda Waxbarashada Iyo Waalidiinta Ardayda Kuwaasoo Ka Jaamacadaha OoKa Madax Banaan Oo Waxbarashada Isha Ku Haya Si Joogta Ah U Kormeera Dugsiyada Iyo Jaamacadaha Kana Qayb Noqoda Imtixaanada Jaamacadaha.
Imika Waxaynu Haynaa Jaamacado Qurux Badan, Mulkiilayaal Ka Jaamacadaha Oo Tijaar Waaweyn Noqday, Ardayda Jaamacadaa Kasoo Qalin Jebisa Oo U Qurux Badan Laakiin (Market) Ka Shaqada Gudiyo Debedba Aan La Jaanqaadi Karin Cilmi Ahaan Maxaa Yeelay Seddexdii Luqadood Ee Ay Waxku Soo Barteen Bay Ku Liitaan. Waa Dhab Halhayska Ah ' Qof Waliba Intuu Afkiisa Ka Yaqaan Buu Afaf Ka Kale Ka Bartaa. Markaa Aqoontii Ardaydeen Waxaa Ka Hortaagan Seddex Da Af Ee Waxbarashada Soomaalida U Asal Ah Waa Afsoomaali Barashadiisa, Af Carabi Barashadeeda Iyo Af Ingiriis Barasgadeeda Seddexdiina Way Ku Liitaan Imtixaanada Waxaa Soo Baxday Inaanay Si Dhaba U Soo Baasin 85%. Waxaana Dhibtan Ka Masuula Mulkiilayaasha Jaamacadaha Iyo Wasaaradda Waxbarashada.
Wa Billaahi Tawfiiq
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!