Guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xaaladda abaareed ee ka jirta deegaanka, qaramayntii ciidamadii Madaniga ahaa, xaaladda nabad gelyo ee Gobolka iyo Debbaal-degii 34-guurada ka soo wareegtay la soo noqoshada maalinta qaranmimada Somaliland ee 18 May.
Guddoomiyaha gobolka Saraar Axmed Cabdillaahi Maxamed waxaa uu Madaxweynaha Somaliland ku bogaadiyay qaramayntii ciidamada madaniga ahaa oo uu sheegay in ay ahayd hawl adag oo culayskeeda leh isla markaana aan si fudud loogu deg degi karin, balse Xukuumaddu u dhabar adaygtay iyada oo cusub kuna guulaysatay in ay dhamaystirto dhammaan ciidamadii madaniga ahaa oo ay hadda yihiin ciidan qaran.
Guddoomiyha gobolk Saraar waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadla taleefanka ku siiyay wargeyska Dawan.
Guddoomiyaha oo wax laga waydiiyay xaaladda abaareed ee deegaanada gobolka Saraar ayaa ku jaqaabay sidan:-"Gobolka qaybta Saraareed waa abaar oo roobku wuu ku yaryahay marka laga bilaabo Waridaad, Widhiidh iyo Ceelal iyo inta ay xukunto waa abaar, roobabkuna way ku yar yihiinn, waana laga soo guuray.
Markaa gobolka roob la’aan iyo abaariba way ka jirtaa, gaar ahaan qaybtiisa Saraareed.”
Guddoomiyaha gobolka Saraar oo wax laga waydiiyay qaramayntii ciidamada madaniga ahaa ee gobolka Saraar ku sugnaa markay madaniga ahaayeen iyo qaramaynta ka dib isbedelka ay gobolka ku keeneen ,ayaa yidhi. "Labadaas arrimood wax isu dhaw maaha, markii hore gobolku wuxuu ahaa gobol ay ku sugan yihiin ciidamo aan dawladda ka tirsanayn oon ciidanka dalka ka mid ahayn oo xaaladi keentay, laakiin aan amar dawladeed iyo talis ciidan midna aan ku joogin oo markay doonaan siday doonaan yeelaya, laakiin imika waa ciidan qaran oo la yaqaan oo taliyeyaashooda la garanayo, halka laga xukumo la ogyahay, taasi waxay gobolka ka dhigtay mid ammaan ah oo aanay ka jirin nabad gelyo darro badan oo xiligii ciidamadu madaniga ay ahayeen jirtay.
Tusaale ahaan imika gobolka Saraar waxaa durba dadkii ay ku dhiiradeen in xataa la aamino ganacsigii oo gobolka wax badan iska bedelaan markii la qarameeyay ciidankii madaniga ahaa.”
Ugu dambayn guddoomiyaha gobolka Saraar ayaa sheegay in sannadkan dabaaldegga 34aad ee maalinta qarannimada Somaliland ee 18 May in xarunta gobolka Saraar ay uga qabsoontay si aanay hore uga qabsoomi jirin, isla markaana khayriyada Caynaba ay madaxda heer degmo, gobol iyo heer qaran ee kala qayb galay ay halkaa bulshada qaybaheeda kala duwan oo socod ku maray ay kala hadleen, waxaa kale oo uu intaaa raaciyay in ciidamada kala duwan ee dalku inay halkaa gaardis ku mareen. waxaana xuska 18 May magaalada Caynaha kala qayb galay wasiirks wasaaradda dib u dejinta Somaliland.