Madaxweynaha Cirro ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah iyo Ciyaatoy Kanu Nwankwo.

Tuesday May 20, 2025 - 18:08:34
hadhwanaagnews
Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada
May be an image of 8 people, lighting, wedding and dais

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Qaabilay Wufuud Caalami ah iyo Ciyaatoy-ga Caanka ah ee Kanu Nwankwo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada JSL ku qaabilay Wufuud heer Caalami ah oo ka kala socday dalalka saaxiibka la ah Somaliland, kuwaasi oo u yimid ka qayb-galka Xuska Sannad-guurada 34-aad ee maalinta dib-ula-soo noqoshada Qarannimada iyo Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Wufuuddan ayaa ka kala socotay Waddamada Boqortooyada Ingiriiska (UK), UAE, Kenya, Djibouti iyo Dawladda Deegaanka Soomaalida ee Dalka Itoobiya (DDSI), kuwaasi oo muujiyey taageeradooda iyo garab istaaggooda Shacabka iyo Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu Wufuuda uga mahad celiyey sida sharafta leh ee ay uga soo qayb galeen Munaasibadda Xuska18-ka May, isaga oo xusay in Somaliland ay si weyn u qadarinayso xiriirka saaxiibtinimo iyo wada-shaqaynta ay la leedahay Beesha Caalamka, gaar ahaan dalalka ay wufuuddu ka socdeen.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu kulan gaar ah la yeeshay Ciyaartowga Caanka ku ah Kubadda Cagta ee Kanu Nwankwo oo hore ugu safan jiray Xulka Qaranka Dalka Nigeria iyo Kooxaha Arsenal iyo Chelsea oo isagu ka mid ahaa Marti Sharafta ka soo qayb gashay Xuska 18-ka May ee Sannadka 2025-ka.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si diirran u soo dhaweeyey Kanu, isaga oo uga mahad celiyey booqashada uu ku yimid Somaliland iyo doorka uu ka qaatay kor u qaadista sumcadda iyo muuqaalka wanaagsan ee Somaliland ku leedahay dunida.

Munaasabidda Sannad-guurada 34-aad ee dib ula soo noqoshada Madax-bannaannida iyo Qarannimada Jamhuuriyadda

Somaliland ayaa Sanadkan si gaar ah u ahayd mid heer Caalami ah, taas oo muujinaysa isbeddelka iyo horumarka la taaban karo ee ay Somaliland ku tallaabsatay muddada ay jirtay.

May be an image of 3 people and dais
May be an image of 12 people and suit
May be an image of 4 people, beard and suit
May be an image of 4 people, beard, wedding and dais
May be an image of 3 people, dais and text
May be an image of 3 people, dais and text
May be an image of 2 people, suit and wedding
May be an image of 6 people, wedding, dais and text

May be an image of 5 people, beard, suit and dais
May be an image of 5 people and dais
May be an image of 10 people and suit
     
Loading...