Sidee Ayaa Ay Somaliland Aqoonsi Ku Heli Kartaa?

Monday May 19, 2025 - 18:06:40
hadhwanaagnews
Dawladihii iska danbeeyay intooda badani kama aanay faaiidayn



Ka dib badhitaan dheer oo aan ku sameeyay in ay Somaliland baahi wayn u qabto aqoonsi heer caalami ah waxa ii soo baxay in 15 kan qodob ee hoos ku xusan ay horsedi karaan aqoonsi in ay hesho waa haddii la hir galiyo hidisaha aan hoos ku soo bandhigi doono:

Adkaynta iyo Kobcnta Dimuqraadiyadda Gudaha
Doorashooyin xor ah, kala guur nabadeed, iyo maamul daah-furan ayaa sare u qaadaya kalsoonida beesha caalamka ee Somaliland. Waana sifooyin ay Somaliland u baahan tahay in ay sii xoojiso sanadaha inagu soo fool leh. Waxa Somaliland ka qabsoomay doorashooyin hal-qof hal-cod kuwaas oo si hufan uga qabsoomay dalka oodhan laga soo bilaabo 2002 ilaa 2024. Hannaankaa dimuqaariyadeed ee aan wali Afrika inteeda badan ka hana qaadin ee ka soo jiray Somaliland waxa uu noqon karaa halbeeh loo adeegsaddo helitaan saaxiibo badan oo aqoonsadda Somaliland. Waxa hadda la joogaa siddii loo hirgalin lahaa hindisahaa kor ku xusan.

1. Xoojinta Nabadda Somaliland.

Laga soo bilaabo 1991 markii Somaliland ay ku dhawaaqday gooni isku taageedda waxa ka hir galay nabad baahsan oo xasilooni dheer tahay. Somaliland waxa ay hormood u tahay geeska Afrika xaga nabad galyada. Tani waxa looga faa’iidaysan karaa in maalgasahadayaal iyo shirar caalami ah lagu soo jiito, taasi oo lagu gorfaynayo aqoonsiga Somaliland lagana gadayo xasiloonida iyo kahyraadka baahsan ee dalka ka jirta.

Dawladihii iska danbeeyay intooda badani kama aanay faaiidayn qodobkaasi waana fursad u bannaan dawladda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Cabdiraxamaan Cabdilaahi Cirro.
Sanadkii 2023 kii waxa gobolka Sool ee Somaliland ka dhacay dagaal beeleed socday muddo 8 bilood. Waxa uu dhaawac uu gaystay nabaddii iyo xasiloonidii ay ka iibin jirtay addunka intiisa kale. Waxa hubaal ah in Hhaddii Somaliland ay noqoto meel xasilloon oo ay jaarkeeda nabad kula noolaato, waxay helaysaa tixgelin iyo taageero gobolka iyo caalamkaba.

Yagleelidda Xidhiidh Diblomaasiyadeed oo Firfircoon

Waxa laga maarmaan ah in la ogaado aqoonsigu in aanu iska imanayn ilaa laga hawl galo oo loo huro malaayiin doolar. La hawl galiyo aqoonyahano muwaadiniin iyo ajnabi iskugu jira. Tani waxa ay u baahan tahay in la furo xafiisyo badan oo dibloomaasiyadeed kuwaas oo laga hir galinayo dalalka tunka wayn ee addunka siyaasadooda jaan gooya sida Maraykanka, Ruushka, Turkiga, Ingirrska iyo Crabaha intaba. Tani waxa ay keeni doontaa in la barto Somaliland

Furitaanka xafiisyo matalaad dibadda ah iyo la-hawlgalidda dalalka Afrika, Yurub iyo

Ameerika waxay keeni kartaa saaxiibo taageera aqoonsiga.

Kasbashada Taageerada Midowga Afrika


Ururka Midawaga Afrika (0AU) waxa la aasaasay sanadkii 1963 Kii. Waxa magiciisa is bedel lagu sameeyay sanadkii 2002 dii iyada oo loo soo gaabiyay magaca Midawga Afrika (African Union). Waxa uu ka kooban yahay 55 xubnood. Dalkii ugu danbeeyay ee ku biira Ururka waa dalka Morocco oo dib ugu soo laabtay ururka sanadkii 2017 ka dib markii uu ka baxay ururka sanadkii 1984. Haddaba dalka ugu dhaw ee maanta fursad haytsa uu uga mid noqdo waa Somaliland maadaama ay buuxisay shuruudihii dawladnimo sida xasilooni buuxda, Hay’adaha Dowliga ah, dimuqaariyad hufan, iyo ganacsi xor ah. Haddii si wanaagsan loogu ololeeyo in Somaliland ay ku biirto Midawga Africa iyada oo isticmaalayso xeelado cilmyayasan waxa suurta gal ah in ay noqoto dalka 56aad ee ku biira Midawga Afrika.

5. Ka Faa’iidaysiga Taariikhda Xorriyadeed ee Somaliland

Somaliland waxay si sharci ah u ahayd dal madax-bannaan 1960, taas oo noqon karta saldhig lagu dhiso doodda aqoonsiga. Tani waxa ay u baahan tahay aqoonyahan si balaldhan u soo bandhiga taarrikhda saxda ah ee dalka kana sheega goobaha caalamka oo dhan. Waa in la qoraa buugaag tayo leh oo si fiican loogu soo bandhigo taariikhda Somaliland laga soo bilaabo xiligii xornimo doonka. Waa in adduuku ogoodo in Somaliland ay heshiis la gashay dalka Ingiriiska sanadkii 1884 kii kaasi oo keenay in ay noqoto maxmiyad ingiriis. Marki danabana la dagaalantay gumaystihii dalkeedana ka xoraysay 26kii Juun sanadkii 1960 kii. Waxa aqoonsaday xiligaa Somaliland dalaka addunka intiisa badan laakiin taasi waxa ay noqotay riyo ku meel gaadh ah ka dib markii ay iskood ula middobeen Somalia. Ugu danbayn dulmi badan oo ka soo gaadhay kali taliskii Siyaad Barre waxa ay dib ula soo noqotay madax banaaniddeedii 18kii May 1991. Sobobtaa aan arinkan u qorayaa wax weeyi in aaanay jrin buug iyo maqaalo cilmiayaysan oo qadiyadda Somaliland si buuxda u muujinaysa sidoo kalana aanay oolin goobaha cilmi baadhista ee heer caalami. Taasi waxa lagu badali karaa in laga hawl galo sidii loo hawl yagleeli lahaa Urur middeya aqoonyahanka Somaliland, leh hiigsi hufan soona saaraan buugaag iyo maqaalo kuwaas oo lagu daaboco mareegayaasha caalamiga ah. Waa ifafaale soo dhawayn kara aqoonsiga ay Somaliland sugayso muddo 34 sanno ah.

………………………………..

La soco maqaalka kan xiga

Abdilahi Ahmed

<[email protected]>

Educationist, Activist and political Commentator.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...