Ku-xigeenka Jamhuuriyada Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulan ballaadhan la yeeshay madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo waayeelka Gobolka Gabiley.
Kullankaas oo ka qabsoomay madaxtooyada Gobolka Gabiley, ayaa lagaga wada hadlay arrrimo kala duwan oo la xidhiidhay nabadda iyo horumarinta iyo sidii ay doorkooda uga qaadan lahayeen madax-dhaqameedku.
Ugu horeyn Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley oo halkaas hadalka iska daba qaatay ayaa siweyn ugu mahadnaqay soona dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo Xukuumadda cusub ee wadda jir iyo wax-qad waxaanay ku ammaaneen hawlihii Qaramaynta ciidamadii maddaniga ahaa iyo nabadda la soo xidhay ee Ceel-afweyn waxa kale oo ay tilmaameen in xukuumadda haatan talada dalka haysaa ay shacabka iyo dalkaba ku hogaaminayso jidkii lagu gaadhi lahaa horumar waara.
Geesta kale Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa si weyn uga mahadceliyey sida isaga iyo weftigiisa ay cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Gabiley usoo dhaweeyeen,waxaanu hoosta ka xariiqay in xukumadda Wadajir ay waddo qorshaheyaal horumarineed. "Xukumadda Cusub ee Wadajir iyo Waxqabad waxa ka go’an inay ka shaqayso horumarinta bulshada iyo sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha aas aasiga ah ee ka jira dalka.
Gabagabadii Madaxweyneku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Xukuumadda wada jir iyo wax-qad diyaar u tahay dheggaysiga tallooyinka iyo tusaalaha bulshadeeda waxanu yidhi.
"Xukumada Cusubi waxay diyaar u tahay inay dheggaysato dadkeeda isla markaana la tashato”.