Qofka aad jeclaan laheyd inaad tahay (The Ideal Self):-
Kolka laga hadlaayo shaqsiyada dadka, waxaa la isku waafaqsan yahay in qof waliba uu yahay 3 qof, oo tusaale ahaan adigu saaxiib hada, waxaad tahay 3 qof:-
1-Qof aad adigu tahay hadda (The True Self):-
Qofkaani waa qofka aad tahay kolka aad kaligaa tahay, oo eeynan qofnaba kula joogin, waxaad leedahay caadooyin adiga kuu gaar ah, aaminaadyo adiga kuu qarsan, iyo waliba hab-dhaqano qalafsan, oo aadan jecleeyn ineey dadka kugu arkaan.
2-Qofka aad jeclaan laheyd inaad tahay (The Ideal Self):-
Qofkaan labaadi ee aad tahay waa qof aad ku riyootid had iyo jeer inaad noqoto, qof guuleysta, deggan, hanti badan, isku kalsoon, dadku ay wada jecel yihiin, waana version ugu danbeeya ee aad jeclaan laheeyd in lagu shubbo ruuxdaada.
Carl Rogers, oo ahaa aqoon yahan ku taqasusay cilmi-nafsigana waxa uu leeyahay, kol waliba ay kala fogaadaan qofka dhabta ahi ee aad tahay iyo qofka aad jeclaan laheeyd inaad noqoto, waa mar waliba aad dhex dabaalato bad-weeyn wada quus iyo murugo ah.
3-Qofka Dadka Kale U Malleeyaan Inaad Tahay (The Social Self):-
Qof waliba oo inaga mid ah, waxaan naqaanaa in ka badan inta aan naqaano nafteena, sidoo kale, dadkuna waxa ay yaqaanaan nafteena in ka badan inta aan iska naqaano, waana sababta aan had iyo jeer u weeydiino dadka kale qofka aan nahay.
Hadaba, sirta guusha waa ineey isku ekaadaan sadaxdaas qofood ee aad tahay, adigoo aad ugu dadaalaayo inaad noqoto qofka aad jeclaan laheyd inaad tahay. Waa hubaal kolkaad ka dhabeeyso guulahaaga dadka kalena waxeey kuu arki doonaan sida dhabta ah ee aad tahay kolkaasi, oo ah qof guuleeystay, isku filan shaqsi ahaan, caqli ahaan, iyo waliba hanti ahaan.