"Halkani Waa Awdal, Waana Somaliland Ninka Diidanow Adaa Cirka Roob Ku Og"

Wednesday May 14, 2025 - 12:13:10
hadhwanaagnews
"Maal-mahan waxa soo baxaya dad hadal aan macquul ahayn



Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay dad ay sheegeen in ay baraha bulshada ka dhex wadeen maalmihii ugu dambeeyay kicin iyo kala qaybin Bulsho, arrintaasi oo ay ku tilmaameen wax aan la aqbali-karin.

 

Madax-dhaqameedkan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ayaa laamaha ammaanka Somaliland ugu baaqay in ay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo isku dayda in ay khalkhal galiso amniga gobolka iyo guud ahaan ammaanka Somaliland.

 

"Maal-mahan waxa soo baxaya dad hadal aan macquul ahayn oo aan gobolkan looga baran ku hadlaya, waxaan leeyahay ma jirto cid af iyo adin midna wax ku yeeli karta nabada gobolka Awdal anaga oo joogna, waxaan u sheegaynaa in ay ka waantoobaan, haddii ay ka waantoobi waayaan, talaabo sharciga waafaqsan in laga qaado ayaan dawlada gacan ku siinaynaa. Halkani waa Awdal, waa Somaliland ninka diidanow adaa cirka roob ku og” mid ka mid ah cuqaasha gobolka Awdal ayaa sidaas yidhi.

 

Waxgaradka iyo Haldoorkan ayaa shacabka degan gobollada Awdal iyo Salal ku boorriyey in ay si wayn isugu soo baxaan oo ay uga qayb-qaataan, dabaal-degga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May ee fooda inagu soo haysa.

 

Sidoo kale, waxay bulshada gobolka Awdal ugu baaqeen in ay u diyaar garoobaan soo dhawaynta Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Danjire Maxamed Cali Aw Cabdi oo la filayo in uu maalmalaha soo aadan socdaal ku tago Gobollada Galbeedka Jamhuuriyadda Somaliland. waxaana hadaladoodii ka mid ahaa "Madaxwayne ku-xigeenka Qaranka waxan u soo dhawaynaynaa si miisaaman, gobka Awdal baan ku soo dhawaynaynaa, qof kasta oo reer Awdal ahna waxaan leenahay haloo diyaar garoobo soo dhawaynta madaxwayne ku xugeenka Somaliland”

 

Gabagabdii Waxgaradka iyo Cuqaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in Awdal ay tahay halkii lagu yagleelay qaranka Somaliland, isla markaana dhidibada loogu tagaagay, waxaanay tilmaamee in ay tacab badan soo galiyeen Somaliland isla markaana aanay marnaba aqbalay cid kasta oo isku dayda in ay hagar daamayso.

     
Loading...