Telefiishanka Caalamiga ah ee 24News oo ka Warramay Fursadda Aqoonsi ee Jamhuuriyadda Somaliland

Wednesday May 14, 2025 - 12:00:47
hadhwanaagnews
Wuxuu intaas ku daray in inay Somaliland qabsatay doorashooyin



"Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo jiidatay indhaha beesha caalamka. Waxana qaddiyadda aqoonsiga Somaliland hal xidhaale ku yahay dunida,” ayaa lagu yidhi warbixin uu baahiyay Telefishanka i24 News.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa waraysi uu siiyay telefiishanka 24 News ku sheegay in Somaliland 30-kii sannadood ee la soo dhaafay ay dalkeeda ka hir-gelisay nabadgelyo, Hay’ado dimuqraadi ah iyadoo ku taalla bogcad istaraataji ah oo dhacda gacanka Cadmeed.

 

Agaasime Maxamed Cabdirsxmaan wuxuu caddeeyay in Somaliland ay buuxisay wax kasta oo looga baahan yahay dal madaxbannaan oo ay ka mid yihiin shacbigii oo lix milyan ah, dhulkii oo masaafadiisu tahay 130,000 km oo laba jibaaran, calankii, astaantii qaranka iyo baasaboorkii.

 

Wuxuu intaas ku daray in inay Somaliland qabsatay doorashooyin xor ah iyo xasilooni gabi ahaanba ka duwan Soomaaliya oo uu hadheeyeen qas iyo fowdo.

 

Warbaahinta I24 News wuxuu sheegay in Maraykanku uu danaynayo Somaliland oo ka dalbanaysa maamulka xukuumadda Trump inay aqoonsadaan madaxbannaanida JSL.

 

Telefishanka i24 News waxa uu weriyay in Somaliland ay ku taallo bogcad muhiim ah, isla markaana leh deked caalamiya oo xuddun u ah Geeska Afrika oo ay xiisaynayaan quwadaha waaweyn ee dunida sida Maraykanka, Ruushka iyo Imaaraadka Carabtu.

 

Telefishanku wuxuu sheegay in guddida arrimaha dibadda ee Senateka Maraykanka u qaabilsan Afrika ay yeellanayaan fadhi lagaga hadlayo Geeska Afrika oo la filayo inuu Somaliland u yeesho faa’iido taageerta aqoonsigeeda.

     
Loading...